Wasaarada Waxbarashada Puntland oo maanta furtay shirweynaha dib u eegista iyo ansixinta Manhajka Dugsiyada Puntland

0

SAMSUNG CAMERA PICTURESWasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maanta furtay shirweynaha dib u eegista manhajka waxbarashada Dugsiyada Puntland iyo ansixinta manhajka.

Waxaa ka qaybgalay furitaanka shirkan Madaxweyne ku xigeenka Puntland, xubno ka mid ah wasiirada Puntland, Masuuliyiin ka socda hay’adaha wasaarada kacaawiya mashaariicda waxbarasha, Ganacsato iyo macalimiin laga soo kala xulay dhamaan dugsiyada Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Axmed Cabdi Cali Kayse ayaa ugu horayn ka hadlay ujeedka shirkan isagoo sheegay in shirkan uu socondoono labo maalin laguna eegi doono dib eegis manhajka dugsiyada Puntland oo uu sheegay in muddo badan dhismihiisa la soo waday shirkana looga turxaan bixinayo ugu dambayna lagu ansixindoono.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sheega in mahajkan wakhti lagu bixiyey maantana la doonayo in dib u eegis lagu sameeyo la iskuna raaco mahaj ay ra’yi iyo talo ka dhiibteen maamulada, macalimiinta dugsiyada Puntland iyo wasaarada waxbarashada.

Cali Xaaji wuxuu sheegay in shirkan horaantiisa la isku afgartay dib u eegista manhajka, Qorista buugaagta manhajka Dugsiyada Puntland ugu dambayna wax lagu baro manhajka ay dejiyaan wasaarada waxbarashada ardayda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng C/xakiin C/laahi Cumar Camey ayaa wasaarada waxbarashada uga mahadceliyey dadaalka a ugashay hirgelinta manhaj lagu mideysan yahay, Wuxuu ka hadlay muhiimad uu leeyahay manhajka isagoo sheegay in uu soo saarayo ardayda waxtara shacabka iyo dalka.

Munaasanada lagu daahfurayey shirkan waxaa lagu soo bandhigay warbixno ka turjumaya waxbarashada deegaamada Puntland, waxaan wasaaradu sheegtay in aysan waxbarasho ka jirin deegaamada ku teegdsan xeebaha Puntland iyadoo aysan jirin xaalad ka reebaysa, waxay sidoo kale sheegtay in guul ay ka gaareen waxbarashada deegaamo ka baxsan laamiga oo carruurta subaxkasta soo xaadiraan dugsiyada.

Maalin ka dib wasaaradu waxay soo gaba gabaynaysaa shirkan oo laga soo saaridoono mowqif lagu midaynayo manhajka dugsiyasa hoose/dhexe iyo sare ee Puntland.