Berbera: Laba Kooxood Oo Ku Tartamay Koob Loogu Magac Daray “Waxqabadka Xukuumadda” Iyo Madaxwaynaha Oo Ka Qayb-galay

0

10940570_709617652485424_7591189906567083008_nMadaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay ka qayb-galay ciyaar kubadda cagta ah oo lagu kala qaadayey koob loogu magacdaray waxqabadka xukuumadda, taasi oo lagu qabtey garoonka Cabdalle Stadium isla-markaana dhex martay labada kooxood ee Dawladda hoose iyo Wakaalada biyaha Berbera.

Madaxweynaha oo intaanu gaadhin garoonka kubada cagta soo kormeeray dadka danyarta ah ee garoonka ku hareeraysan oo dawladda hoose ee Berberi guddoonsiiyey isla-markaana loogu rakibay guryahooda Soollar, ayaa markaasi ka dib ku soo noqday garoonka kubadda cagta ee Ciyaartaasi lagu qabtay, waxaanu Madaxweynuhu uu gebegebadii koobkii loogu talo-galay guddoonsiiyey kooxda Wakaaladda biyaha Berbera oo ciyaartaasi badisay.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa markaa ka dib halkaasi ka jeediyay hadal kooban waxaanu dhallinyarada ku dhiirigeliyey inay sii wadaan tartamada noocan ah. waxaanu Madaxwaynuhu  uga mahadnaqay labada kooxood oo soo bandhigay ciyaar wanaag