“Somliland waa dal u madax-bannaan dhammaan heshiisyada uu la galayo
dawladaha caalamka iyo shirkadaha ay xidhiidhka wada yeelanayaan, sida sharcigu dhigayana dalna dal
kale kuma faro galin karo arrimihiisa gaarka ah.” Sidaa waxaa lagu yidhi war-saxafadeed uu xalay soo saaray afhayeen u hadlay Wasaraadda Kalluumaysig Somaliland, kaasi oo ka jawaabayay waraysi uu laanta afka Soomaaliga ee VOA-da uu siiyay Xeer ilaliyaha dawladda Soomaaliya oo sheegay in ay Xamar ka sii daayeen Markab Kalluumaysi oo uu sheegay in uu Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntlnd hehiis kula jiro.
Af-hyeenka u hadlay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka uu sheegay Xeer ilaaliyaha dawladda Muqdisho ee ah in markab lagu qabtay Muqdisho in uu wax heshiis ah kula jiro Somaliland, waxaa kale oo uu si adag uga hadlay Xeer ilaaliyaha Soomaliya oo sheegay in ay soo saareen xeer uu ku sheegay in ay ku mamnuuceen in heshiis aanay dawladda Xamar bixin in aanay ku iman Karin Maraakiibta Kalluumysi Somaliland, taas oo uu afhayeenku ku tilmaamay in ay tahay hadal la iska yidhi isla markaana dhawacaya wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u socda ee beesha caalmkuna maraga ka tahay “Qolada Soomaaliya waxaanu u sheegaynaa in aanay jirin imika, horena aanay u dhicin, haddana aanay dhici doonin in Somaliland hehiisyada ay la galayso dawladaha caalamka iyo shirkadaha ay xidhiidh wadaagta yeelanayaan in ay u soo maraan Muqdisho, waxaanan u soo jeediyay dawladda Soomaaliya inay ku dedaasho ka shaqaynta ammaanka caasimaddooda inta aanay cid kale marba saloolan, iskana jirto in ay ku kacdo wax kasta oo dhaawacaya wadahadalka u socda labada dal” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Somaliland mar walba waxaa ka go’an in ay dhawrto qodobbada wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana aanay dhankayaga ka iman wax dhaawici kara, laakiin haddii ay Soomaliya sii waddo jabinta qodobbada lagu heshiiyay kuna dhawaaqdo in marna badda Somaliland ruqsad looga qaato marna ay hawada sheegato taasi waxay horseedi doontaa in Somaliland oo caalamka marag uga dhigaya in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ka socon la’ yahay dhanka Maamulka Muqdisho in ay ka bixi doonto”