Naadiga Akhriska Ee Timo Cade Readers Club Ayaa Magaalada Gabilay Ku Soo Dhoweeyey Masuliyiinta Ugu Sarraysa Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Burco+Sawirro

0

Gabilay(AN)Naadiga Akhriska Ee Timo Cade Readers Club Ayaa Magaalada Gabilay Ku Soo Dhoweeyey Masuliyiinta Ugu Sarraysa Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Kuwaaso Maalmihii U Danbeeyey Buugaag Ay Qoreen Abwaan Ibrahin Xamarin Iyo Bashir Raacdeeye Ku Soo Bandhigayeen Gobolada Dalka

Waxana Munasibad Ballaadhan Oo Lagu Qabtay Xarunta Akhriska Ee Jaamacadda Timo Cade Ku Soo Bandhigeen Buugaagta Mucjisooyinka Quraanka Iyo Dirka Mucaashaqiinta Kuwaaso Ay Hore Ugu Soo Bandhigeen Burco, Berbera Iyo hargeysa.

 IMG_6F2D6F-C65E5F-91F271-8017AA-A7809D-8475BBIMG_6F2D6F-C65E5F-91F271-8017AA-A7809D-8475BBWaxana Munasibadadasi Ka Hadlay Badhasabka Gabilay Mustafe Shine Iyo Xildhiban Amiin Oo Ka Tirsan GolahaDegaanka Gabilay, Waxayna Aad U Ammaaneen Dhalinyarada Aqoonyahanka Ee Ka Socota Gobolka Togdheer Iyo Naadiga Halkaraan, Ee Buugagta Qiimaha Badan Qoray Islamarkaasna Gobolka Keenay, Waxayna Iftiimiyeen In Guulaha Aqoonta Ay Ka Mid Tahay In Midhaha Noocan Ahi Ka Soo Baxaan Akhriska Badan, Iyagoo Dhalinyarada Gabilay Ku Waaniyey Inay Ka Faaidaystaan Kuna Daydaan Isla Markaasna Ku Dedaalaan Sidii Buugaag Qiimo Leh Iyaguna Ugu Soo Bandhigi Lahaayeen Gobolada Kale.
Waxa Iyana Si Faahfaahsan U Sharaxay Buugaagtooda Abwaan Ibraahin Xamari Iyo Bashiir Raacdeeye, Iyagoo Sido Kalena Halkaas Kaga Jaawabay Su’aalo Laga Waydiiyey Buugaagta Ay Qoreen.
si Kastaba Ha Ahaatee Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka E Halkaraan Oo Sanadkan  Laban Laabay Waxqabadkiisa Isla Markaaan Sare U Qaaday Tayada Qoraalka Oo Soo Saaray Bugaag Qiimo Badan Sida Mucjisooyinka Quraanka Iyo Dirkii Mucaashaqiinta Ayaa Bandhiga Buugaagtan Ay Kusoo Bandhigeen Gabilay Noqonaysa Magaaladii Afraad Ee Ay Kusoo bandhigaan Bugaagtan Oo Ay Markaasi Ka Horaysay Magaalooyinka Berbera,Shiikh Iyo Hargaysa.
Waxaana La Filayaa In Wakhtiyada Soo Socda Ay Kusoo Bandhigi Doonaan Bugaagtan Qiimaha Badan Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal