Bristol(AN)Magaalada Bristol ee Carriga Ingiriiska ayaa la filayaa in lala mataaneeyo Magaalo xeebeedda Berbera ee Somaliland.Wargeyska Bristolpost, ayaa baahiyay warbixin lagu sheegay inuu jiro qorshe lagu mataanaynayo Labadaasi magaalo.
Wargeyska oo soo xiganaya dad arrintan u Ololaynaya ayaa Warbixintan oo uu khamiistii baahiyay ku yidhi “Berbera oo ah Magaalada afraad ee Ugu balaadhan Somaliland, waxaa lala mataanaynayaa Bristol”
Wargeyska oo warbixintiisa sii wada ayaa intaasi raaciyay “Golaha degaanka Bristol waxay Bishii la soo dhaafay Ogaadeen in ilaa 10,000 oo Qof oo hadda ku nool Bristol ka soo jeedaan Somaliland”
Wargeyska oo arrintan ka sii hadlaya waxa uu warbixintiisa ku sheegay “Somaliland dagaal dheer ka dib waxay Madaxbanaanideeda ku dhawaaqday sanadkii 1991-kii, ilaa haddana waxaa aqoonsaday dalal iyo Goleyaal degaan”
Wargeysku waxa uu intaasi sii raacyay “Golaha oo dhami wuxuu Maayarka ugu baaqayaa inuu Codsi u soo gudbiyo Bristol International Twinning Association (BITA), si Magaalada Bristol loola mataaneeyo Magaalada Berbera ee Somaliland”
Magaalada Bristol waxay hadda la mataano tahay Magaalooyinka Bordeaux (France), Hannover (Germany), Oporto (Portugal), Tbilisi (Georgia), Puerto Morazan (Nicaragua), Beira (Mozambique), iyo Guangzhou (China).
Magaalada Bristol ayaa ah Magaalada 8-aad ee ugu dadka badan Boqortooyada Ingiriiska, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay 437,492 qof marka loo eego qiyaas la sameeyay sanadkii 2013-ka.









