Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Wax-qabadka Mudadii Ay Xilka Hayeen & Axsaabta Siyaasadda Oo Kalsooni U Muujiyey Dedaalkooda

0

NEC-logo-1Komishanka doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa faahfaahiyey halka ay u marayaan hawlaha ay ugu diyaar-garoobayaan qabsoomidda diwaangelinta cod-bixiyayaasha, waxayna sheegeen inay bixiyeen laba Qandaraas oo kala ah qandaraaska khuburrada bixinaysa tababarrada shaqaalaha iyo qandaraaska qalabka loo isticmaalayo diwaangelinta, waxayna caddeeyeen inay ku guuleysteen laba shirkadood oo Maraykan iyo Denmark laga kala leeyahay.
Sidaana waxay ku sheegeen War-saxaafadeed ay soo saareen shalay ka dib markii ay kulan la yeesheen saddexda xisbi Qaran.
War-saxaafadeedkaasi, ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Tan iyo markii ay xubnaha Guddiga Doorashadu ka soo noqdeen safar shaqo oo ay ku tageen dalka Kenya, waxay Guddigu ku hawlanaayeen hawlaha culus ee horyaalla oo ay ka mid tahay bixinta qandaraasyada diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Guddigu waxay Nairobi ku soo af-jareen bixinta qandaraaskii adeegga ee khubarada, waxaana ku guulaysatay shirkad Maraykan ah oo la yidhaahdo CREATIVE. Bishan January 6-deedii ilaa 15-dii waxay Guddigu dhamaystireen bixinta qandaraaskii qalabka ee loo isticmaalayo diiwaangelinta, kaas oo ay ku guulaystay shirkad laga leeyahay dalka Denmark, oo magaceedu yahay ATEA.

Sidaad la socotaan, wakhtigii ay hawsha la wareegeen Guddiga Doorashadu waxay beegantay muddo fasax lagaga jirey wadamada reer Galbeedka, oo wada shaqayn naga dhexayso. Waxaanu hadda sugaynaa jawaabta shirkadihii qandaraasyada helay inay ku soo aqbalaan mudada loo qabtay.
Waxaanu kale oo ku hawlanayn qorista shaqaalaha muhiimka ee hawlaha muhiimka ee shaqada Komishanka aan looga maarmayn sida la taliyaha dhanka sharciga iyo madaxa maamulka shaqaalaha. Waxaanu dhowaan bilaabaynaa shaqaalihii Gobollada iyo degmooyinka ee arrimaha diiwaangelinta. Waxaanu dhowaan u bixi doona Gobollada iyo degmooyinka dalka taas oo ay na raaci doonaan xubno ka tirsan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.
Maanta (shalay) waxaanu xarunta Guddiga doorashooyin kula kulanay xubnaha xisbiyada Siyaasadeed ee Somaliland, sidii aanu uga wada shaqayn lahayn qodobbo muhiim ah oo la xidhiidha habka diiwaanglinta muwaadiniinta.
Waxaanu wakiilada xisbiyada kala hadallay, in Komishanku dhamaystiray bixinta qandaraasyadii shirkadaha ajnebiga ah. safar ay dhowaan geli doonaan xubnaha Komishanka iyo guddiga farsamo ee xisbiyada qaranka oo Gobollada dalka oo dhan lagu marayo. In Komishanku ku guda jiro dhamaystirka shaqaalaha xarunta iyo Gobollada. in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa qorshe dhamaystiran oo suurta geliya diiwaangelin hufan. in la joogteeyo kulamada shaqo ee Komishanka iyo xisbiyada qaranka”
Sidoo kale, saddexda xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa ka hadlay maxsuulka kulanka ay la yeesheen Komiishanka Qaranka ee Somaliland.
Xubnaha ka kala socday WADDANI, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in komiishanku uga waramay hawlaha ay gacanta ku hayaan iyo halka ay u mareyso diyaar-garowga diwaangelinta doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, oo ugu horeyn ka hadlaya Arrimahaasi ayaa yidhi “Waxay nooga warameen Komiishanku hawsha ay gacanta ku hayaan, kuwaasi oo ay ka kow ka yihiin qandaraasyada ay bixiyeen oo kala ah, qalabkii lagu galayey diwaangelinta iyo xilliga doorashada oo ay gacanta ku hayaan, waxayna sheegeen inay shirkado siiyeen qandaraasyadii”
Cabdirashiid Riyo-raac oo ka socday xisbiga WADDANI, ayaa isaguna sheegay “kulanka aanu la yeelanay Komiishanku wuxuu ahaa kulan shaqo oo komiishanka iyo xisbiyada ka dhexeeya, waxaanuna war-bixin kaga dhageysaneynay Komishanka, markaa war-bixinta Komishanku na siiyey iyo halka ay wax u marayaanba aad ah ayaanu ugu qanacsan nahay, dedaalka ay wadaanna waanu ku hambalyeynaynaa Komiishanka iyo sida ay hawsha wadaan”
Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa isaguna si kooban u sheegay in komiishanku si wanaagsan u wadaan hawsha loogu diyaar-garoobayo qabsoomidda diwaangelinta.