Aad baa Loogu Farxay Booqashadii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ku Tagay AWDAL” Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI

0

index34Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa mar kale naqdiyey safarkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku soo maray magaalada Boorama ee gobalka Awdal.
Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI, Boobe Yuusuf Ducaale, ka dib kulan uu yeeshay hoggaanka iyo guddida fulinta ee xisbigaasi, kaasi oo sida War-saxaafadeedka lagu sheegay lagaga wada xaajooday sababta uu Madaxwaynuhu habeen ugu nagaan waayay Borama.
Qoraalka Boobe ayaa u qornaa sidan “Waa war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Waddani oo ka dhashay wada-tashi ballaadhan oo dhex maray guddida fulinta, hoggaanka xisbiga iyo hal doorka xisbigaba” ayaa lagu bilaabay war-saxaafadeedka WADDANI ka soo baxay, waxaanu intaasi ku daray “Gobalka Awdal waxaa uu ka mid yahay goballada ahmiyadad gaarka ah u leh jamhuuriyadda Somaliland ee doorka lama illaawaanka ah ka soo qaatay dhismihii Somaliland, nabadaynta iyo hirgalinta geeddi socodkii dimuqraadiyadeed, maanta gobalka Awdal waxaa ka taagan xaalad aad iyo aad u murugsan oo ay masuul ka tahay xukuumadda dalka ka talisaa. Dhiilladan gobalka Awdal waa mid dhinacyo badan, mar waa sida ay madax dhaqameedku soo qadimeen muddo siddeed bilood ka hor laga joogo ee aan dhagba jalaq loo siin, ka dibna sii taran tay ee sii murugtay, tabashadaasi waxaa ay ahayd mid ku saabsanayd sidii loo qeybsan lahaa xilalka qaran, madax dhaqameedku kamay hadlin sidii loo qeybsan lahaa khayraadka qaran”

 War-saxaafadeedka Boobe Yuusuf Ducaale soo saaray ayaa waxa kale oo lagu soo qaaday qoraalkii dawladda Soomaaliya ka soo saartay Macdan baadhista ka socota gobolka Awdal “Mar kale waa dhiillada ka alloosan goobta macdanta laga qodaayo ee SIMODI oo iyadu muddo-ba taagnayd halisteedana leh isla-markaana soo jiidatay dareenka iyo danaynta dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda qoraal rasmi ah ka soo saartay macdanta halkaa laga qodaayo, dhiillada intaa leeg ee mudada intaa leeg soo jirtay in Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo waftiga uu hoggaaminayaaba ay booqosho ku tageen gobalka Awdal, warkaasi waa la soo dhaweeyey aadna waa loogu farxay iyada oo cid waliba ay isku qancisay in ay madaxweynaha iyo waftigiisu in ay xal waara oo dhaba ay u heli doonaan xiisadahaa ka alloosan gobalka Awdal”
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, waxaa uu ugu danbayn uu shacbiga reer Somaliland ugu baaqay in loo gurmado dadka ku dhaqan gobalka Awdal si baa uu yidhi loo celiyo abaalkii ay Somaliland hore ugu galeen, waxaana uu ku booriyey dadka ku dhaqan deeganadaasi in ay ka feejignaadaan wax uu ku sheegay in dhagar loo maleegayo “Reer Awdal waxaan ugu baaqaynaa in ay illaashadaan midnimadooda, nabadda iyo sidii ay uga feejinaan lahaayeena dhagarta loo maleegayo, shacbiga reer Somaliland waxaan ku boorinaynaa oo aanu ku baraarujinaynaa in ay xogogaal u noqdaan xaaladda dhabta ah ee ka taagan deegaanka gobalka Awdal, isla markaana ka gutaan xilka ka saaran, reer Awdal in badan ayey qarankan Somaliland u soo gurmadeen maanta abaalka ha la celiyo oo ha loo gurmado”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.