Maamul wanaaga iyo horumarka dhaqaale waxa door libaax leh ka ciyaari kara xukuumada lasoo doortay oo si daacadnimo leh shacabka ugu adeegta. saddex arrimood ayaa loo baahan yahay inay xukuumaddu si gaara ay daacad uga sii ahaato. Kow, waxa loo baahan yahay in xukuumadu ay si xilkasnimo leh usoo ururiso canshuuraha shacabkeeda ku waajibay. Laba, waxa iyana muhiim ah in cashuurtaasi ay shacabka kasoo ururisay ay xukuumadu si daacadnimo ah ay ku dheehan tahay ay ugu adeegto bulshadda. Saddex, waxa loo baahan yahay inay door muuqda ka ciyaarto horumarka dhaqaale ee waddanka. Xukuumaddu cashuurta ay soo ururisay qayb ka midda waa inay ku maalgelisaa mashaariic horumarineed oo markaasi ay kaga dayan karaan ganacsatada wadanku. Xukuumadu waxa kale oo ay samayn kartaa inay mashaariicdaasi kasoo qaybgeliso ganacsatada waaweyn si markaasi maalgelinta mashaariicdaasi aanay mashaakil ugu noqonin dawladda. Nidaamkaasi mashaariicda horumarineed ay maalgelintooda iska kaashanayaan xukuumadda iyo ganacsatada wadanku waxa loo yaqaanaa Public Private Partnership (PPP). Waana nidaamka dhaqaale ee ay hirgelintiisa ku horumari karayaan wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo. Tusaale ahaan, waxa ay dawladda iyo ganacsatadu iska kaashan karaan ka faaiidaysiga khayraadka dabiiciga ah sida sibidhka iyo macdanaha kale ee ay Somalia qaniga ku tahay.