Raysalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu oo ka hadley Qaraxa Muqdisho ka dhacay

0

Switzerland Davos Forum

Raysalwasaaraha dalka Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in baaritaan uu socdo ku aadan qaraxa maanta oo khamiis ah ka dhacay albaabka hore ee Hotel ay deggan yihiin wefdi ka socda dalka Turkiga, halkaas oo shir uga socdey, waxaana uu ku tilmaamey weerarka mid loola dan lahaa danaha dalka Turkiga.

Raysalwasaaraha Turkiga oo hadda ku sugan magaalada Davos dalka Switzerland kana qaybgalaya shirka World Economic Forum, ayaa xaqiijiyey in Safarka Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan uu yahay sidii loo qorsheeyey maalinta berri ahna ka degi doono Muqdisho, qaraxuna aanu saameyn ku yeelan doonin safarka Madaxweynaha.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerar maanta duhurkii ka dhacay banaanka hore ee Hotel SYL kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo boolis ah iyo labadii nin ee weerarka soo qaade waxaana weerarku  ahaa mid la fashiliyey oo aan gaarin ujeedadii laga lahaa