Qarax ka dhacay banaanka hore ee Hotel SYL magaalada Muqdisho, al-Shabaab ayaa sheegtay

0

qaraxQarax ayaa ka dhacay meel ku dhaw Hotel SYL oo ah halkii uu ka dhacay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD 11 Janaayo 2015. Hotelka SYL hadda waxaa degan wefdiga hordhaca ah la socda Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo maalinta berri ah ku soo beegan Muqdisho.

Graphic image

Mid kamid ah kuwii weerarka soo qaadey

Dad ku dhawaa halka qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in qaraxu ahaa mid ismiidaamin ah, oo ay ka qaybqaateen ugu yaraan laba qof, kuwaas oo mid kamid ah isku qarxiyey goob jidgooyo ah oo amaanka Hotelka laga sugo, ciidanka ilaalada halkaas ka hayey ayaa ku amrey in uu istaago, kadibna halkaas ayuu isku qarxiyey sida uu sheegaayo mid ka mid ah wararka Horseed Media heleyso.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatey weerarkan, waxaana ku dhaawacmey qaar kale.

Alshabaab ayaa weerarkan sheegtey, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlaayey amaanka oo ka socdey Hotel SYL, waxaa sidaas radio Andulus ee ku hadla afka al-Shabaab ka sheegtey nin isku magacabey Shiikh Cabdiasis Abu Muscab.

Qaraxan ayaa imaanaya iyada oo amaanka si weyn loo adkeeyey, magaaladana uu ku soo beegan yahay maalinta berri saaxiibka weyn ee Soomaaliya Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan. Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wakaaladda wararka ee reuters u sheegay in Madaxweynaha Turkigu imaanayo oo wax jadwalkiisa iska bedalay aysan jirin, iyada oo halka qaraxu ka dhacay ay ahayd goobaha amaankooda la isku haleyn karo