Hargeysa(AN)Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si cadho leh uga jawaabay Dhaliilo Suldaanka Guud ee Beesha Hargeysa iyo Baligubadle Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu hor dhigay Madaxweyne Siilaanyo wakhti uu safarkiisa ku guda jiray oo uu Baligubadle ku joogay.
Suldaan Cumar waxa uu Munaasibad Baligubadle ka dhacday oo Madaxweynaha Somaliland Ku sugnaa dhawaan ka sheegay inay jiraan Duruufo dhinaca Bulshada ah sida Caafimaadka,Biyaha, Waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee Horumarku ka jiraan Degaanka, waxaanu intaasi raaciyay “Madaxweyne Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa waan u tagnay waxa uu nagu yidhi Qorshaha(Master Pland-ka) nooguma jirto inaanu dhinaciinaas biyo galino”
Xildhibaan Nacnac oo arrintaasi xamili waayay ayaa Ugu horayn ka hadlay sida Madaxweynaha loogu soo dhaweeyey Degaanka “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu Magaalada Bali-gubadle soo gaadhay goor habeenimo ah, Anaguna waxanu kaga hortagnay Degmada Balicabane. Baligubadle Madaxweynaha Si weynbaa loogu soo dhaweyey, runtii madaxweynuhuna waxa uu u kurgalayey Xaalada ay ku sugan yihiin Shacabkiisu, Madaxweynuhu Waxa uu Baligubadle ka furay Shan Mashruuc oo kala duwan oo uu ka mid yahay Guriga Martida, Dadka reer baligubadle Madaxweynaha way ka mahad Sheeganayeen.”ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa kale oo uu yidhi. “laakiin Nin Mucaarid ah oo Suldaan isku Sheegaya meesha wuu ka kacay waanan Maqlaayey, sidii Suldaanimo umu hadal, laakiin sidii Mucaaridnimo ayuu u hadlay, waxaan leeyahay Kaas yaan lanoo maqlin, Anagu Madaxweynaha Raalibaanu ka nahay, waxqabadkiisa Raalibaanu ka nahay, waxaan ku celinayaa Ninkaasi yaan naloo maqlin, Waa Nin Mucaarid ah waa Nin Xisbiyeysan weeyi, Nin Xisbiyeysana ummad Suldaan uma noqon karo, Suldaan waa ninkii Xishooda, Xaaji Xussen waa kii kacay oo Odeyaashii kale waa kuwii kacay dhammaana si wanaagsanbay u hadleen waanay u mahad naqeen”Ayuu yidhi.
Xildhibaan Nacnac Waxa uu sheegay in Suldaan Cumar aanu Suldaan Guud u ahayn Waxaanu yidhi. “Suldaan Cumar Suldaan Guud nooma ah, aniga Suldaan Barre ayaa ii Suldaan ah, Suldaan guud isagaa isku ah, Suldaan Guud waa ninka garanaya Suldaanimadu waxay tahay, marka anigu Suldaan Guud umma Aqoonsani, Biyaha Hargeysa ee uu ka hadlay Saddex Milayn iyo badhbaa ayaa ku baxaya oo waataa Beebkii keenayey Biyaha la dhigay, ma ogibu yidhi dee Maxaa loo ogeysiinaya waaba loo shaqeynayaaye, Nin Cuqdadi ku jirto oo Mucaaridnimo ku jirto yaanu dadka khaldin, runtii waxa maalin ku dhammaada ma jirto oo Roma-ba Maalin lama dhisin, oo biyaha hawshoodu muday qaadatay laakiin imika Hawshaasi gabogabo ayey ku dhawdahay, Wixii baahiyo jira dadka reer Somalilandbaanu kala mid nahay” ayuu yidhi Xildhibaan nacnac.
Suldaan Cumar ayaa hadalkiisa uu Madaxweynaha ka horjeediyay waxa uu ku daray inay haboon tahay in Madaxda dalka loo sheego dhaliilaha jira si ay uga faa’iidaystaan oo wax uga qabtaan, halkii laga amaani lahaa.
Xildhibaan Nacnan oo Si aada ula dhacsan Siyaasadda Xukumadda, sidoo kalena ay aad iskugu dhaw yihiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqda mid hayn kari waayay islamarkaana xamili waayay Hadalka Suldaanku u jeediyay Madaxweynaha iyo Weftigiisa.
Arabsiyomedia.com
Hargaysa Desk








