“Maanta Dawlada hoose ayaa hogaamin ubaahan” Cawil Cilmi Cabdala Mayarkii hore ee Hargaysa

0

Hargeysa(AN)Cawl Cilmi Cabdalla oo sanaddihii 2000 ilaa 2002-dii Maayar ka ahaa Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa ayaa dhaliilay Hab maamulka Dawladda hoose ee Hargeysa. Waxa uu sheegay in wakhtigiisii dawladda hoose ahayd meel shaqaynaysa.
Maayarka hore Cawl Cilmi Cabdalla oo la waydiiyay sida uu u arko hawlaha dawladda hoose ee wakhtigan waxa uu ku jawaabay “Si allaale iyo si ay wax u soconayaan anigu waxba ka garan maayo, Si aynu naqaanayna maaha, dee wax allaale iyo waxaan idin idhaahdo ma garanayo anigu. Dawladda hoose waxay u baahan tahay hogaamin iyo tilmaamid,dee labadii baan midna la siinayn baan u malaynayaa. Hogaamin adag ayay u baahan tahay dee malaha xaaladda dawladda hoose cidba ma oga”
Duqa hore ee Caasimada Hargeysa waxa uu sheegay in waxyaabo xiligiisii uu qabtay oo ay ka mid yihiin Diyaaradda Khayriyaddii hore agteeda saaran iyo Ishaarooyinkii Baabuurta kala hagayay dayacmeen “Waxaan arkayaa Diyaaraddii oo aan cidi Rinji marinayn, Laydhkii oo ka bakhtiyayna waan arkaa,Cid xukuntana anigu garan maayo. Ishaarooyinkii baa bakhtiyay, sida Madaxweynaha loo yidhaa Dal dhan baa laguu dhiibay dee anigu meel shaqaynaysa ayaan ka tagay oo Laydhkii siraadan yahay” ayuu yidhi Cawl Cilmi Cabdalla.
Maayarka hore waxa uu intaasi raaciyay “Wallaahi Maayarkan Nin Wanaagsan baan u aqaanaa, laakiin dadkii la xisaabtami lahaa waa dadka qayilaya, Dad miyir qaba oo dadka la xisaabtama ayaan dalka joogin, dee marka Illaahay abuuro dhalinyaro hagaaagsan ayuun baa la arki”
Waxa uu mr Cawl u diray farriin dawladda hoose “Farriinta aan u dirayo Dawladda hoose waxa weeye, anigu madax baan ka ahaan jiray Dawladda hoose, hadalkayguna waa mid masuulnimo oo aan dhac-dhac lahayn laakiin, Kolay maalin dhaw waxbaa qarxi doono, uma jeedo qaraxii Xabbadda ahaa laakiin, hadal waa la is odhan runtana waa la isku sheegi, wax been ahina socon maayaan, run baana lagu wada hadli, dhalinyaradduna way hadli”
Maayarka hore ee Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla ayaa ahaa Maayarka lagu xasuusto Hirgalinta Taalooyin Diyaaraddu ka mid tahay iyo Dhismaha Ishaarooyinka kala haga Baabuurta oo uu dhawr Meelood oo Hargeysa ah ka sameeyay, balse haatan ah kuwo baaba’ay.

 

Arabsiyomedia.com

Hargaysa Desk