Kooxda Boko Haram Oo Dad Ka Afduubtay Dalka Cameroon

0

150112180033_nigeria_violence_512x288__nocredit-150x150Dagaalyahanno looga shakisan yahay in ay yihiin Boko Xaraam ayaa weerar ku qaaday tuulo ku taalla waqooyiga dalka Cameroon, waxa ayna ka afduubteen tobaneeyo qof.
Weerarkan oo ka dhacay degmada Mokolo ayaa waxa uu bilowday habeenimadii Sabtida.
Boko Xaraam oo si aad ah u joogta dalka Nigeria, ayaa waxa ay dardar geliyeen weerarada ay ku qaadayaan xuduuda dalkaasi uu la wadaago Cameroon

Ila wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegaya in tobaneeyo rag, haween iyo caruur ah ay afduubteen dagaalyahanada Boko Xaraam markii ay weerareen tuulada Maba ee ku taalla degmada Mokolo oo u dhow xuduuda dalka Nigeria.
Lama oga tirada dhabta ah ee weerarka Boko Xaraam ku dhimatay iyo inta qof ay afduubteen, waxa ayna sidoo kale dab qabadsiiyeen in ka badan 20 guri.
Sanadihii u dambeeyay, ku dhowaad dhammaan weerarrada ay qaadeen Boko Xaraam ayaa ka dhacay gudaha dalka Nigeria.
Balse hadda, waxa ay bartilmaameedsadeen tuulooyinka, magaalooyinka iyo fadhiisimaha ciidan ee ku yaalla gudaha Cameroon.
Waddanka jaarka la ah dalkaasi ee Jaad ayaa askar u diray Cameroon si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro Boko Xaraam.
Boko Xaraam ayaa la rumeysan yahay in ay ka dambeysay weerarro bambaano oo ka dhacay waqooyiga Nigeria dabayaaqada isbuucii hore, waxaana jira walaac isa soo taraya oo ka jira gobalka iyadoo uu ururkan sii ballaadhinayo goobaha uu ka howlgalo.