Xukuumadda Oo Faahfaahisay Maxsuulka Kulan Borama Ku Dhex Maray Madaxwaynaha Somaliland Iyo Madax-dhaqameedka Reer AWDAL Ee Hore Tabashooyinka Ugu Soo Gudbiyey

0

images18-150x150Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse,) oo Shir Jaraa’id ku qabtay shalay Magaalada Wajaale ee Xuduudka Ethiopia iyo Somaliland, waxa uu sheegay in Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku salaysan yahay u kuur galka Magaalooyinka ku teedsan Xuduudda dhinaca Koonfureed ee Somaliland.

Wasiirku siduu kale wax uu ka hadlay nuxurka kulan uu Magaalada Borama Madaxwaynuhu kula yeeshay Madax-dhaqameedka gobolka AWDAL, kaasi oo ay kaga wada hadleen tabashooyin ay hore ugu soo gudbiyeen, waxaanu tilmaamay in odayaashu ay Madaxwaynaha u sheegeen in tabashadii ay hore ugu soo gudbiyeen uu cadowgu ka faa’ideystay, hasa-yeeshee ay iyagu diyaar u yihiin in tabashooyinkoodaasi ay xukuumaddu wax ka qabato.

Wasiir Cukuse oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “kulankaas odayaasha, waxgaradka, culmida iyo madaxwaynuhu waxay isku dhaafsadeen inay ka wada hadlaan arrimo la xidhiidha xaaladda gobolka iyo sii horumarinta gobolka, waxayna halkaas ka soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah, waxay soo jeediyeen fikradda ay qabaan iyo dacayadaha gobolka laga bixiyey sida ay u kala duwan yihiin, waxay sheegeen in gobolku ka mid yahay gobollada ugu nabdoon Somaliland, oo horumar ku taamaya, dawladdana ay ugu mahad hayaan waxay u qabatay,”

Wasiir Cukuse waxa uu tilmaamay in Madax-dhaqameedku ay Madaxwaynaha u sheegeen in tabashadii ay hore ugu soo gudbiyeen ay la mid yihiin kuwa beelaha kaleba u gudbiyaan xukuumadda, laakiin toodii uu cadowgu ka faa’idetsyay “Waxay sheegeen in tabashooynkii ay madaxwaynaha u soo gudbiyeen ay ahaayeen tabashooyin ay sida bulshada Somaliland qaybaheeda kale ay u gudbiyaan ay iyaguna u gubiyeen, laakiin uu cadawgu ka faa’idaystay, laakiin iminka ay  raali ka yihin in madaxwaynuhu wax ka qabto intii suurto gal ah”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu sheegay in Madaxweynuhu ka aqbalay “Madaxwaynuhu wuu ka aqbalay waxaana uu u ballanqaaday inuu fulin doono oo wixii suurtogal ah uu wax ka qaban doono”