Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Maanta Fadhi Aan Caadi Ahayn Ka Yeelanaya Isbeddelka Habka Waddo-marista Ee Caasimadda

0

???????????????????????????????Golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, ayaa Sabtida maanta u ballansan fadhi aan caadi ahayn oo ay kaga wada hadlayaan go’aankii ay ka qaadan lahaayeen faro-gelin ay sheegeen in wasiirka Arrimaha guduhu ku sameeyay waajibaadkooda shaqo ee bulshadu soo dooratay.

Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo doraad shir jaraa’id ku qabtey xarunta dawladda hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xildhibaannada Golaha deegaanku maanta ahaan ka shirayaan faro-gelinta uu Wasiir Cali ku sameeyay hawl-maalmeedka dawladda hoose ee Hargeysa, taasi oo ay sheegeen inay ugu dambaysay wax ka beddelka habka waddo-marista ee Hargeysa, taasi oo toddobaadkii hore lagu beddelay amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland “Hawsha uu wasiirku faro-geliyey waxay ahayd hawl aanu doonaynay inaanu ilaa afar bilood iclaaminno oo aanu caalamadinno halka baabuurtu ka bilaabmayaan ilaa halka ay ka soo laabayaan calaamadihii yeelato oo ay noqoto wax caddaan ah, oo dadku ka wada dharagsanaado”ayuu yidhi, Xildhibaan Xasan Shahar “Mudane Wasiir haddii Madaxwaynihii oo musharax ah aad Golaha deegaanka ku kiciso halkii aad Madaxweynaha ka garab istaagi lahayd, markaa waxaanu odhan karnaa si kale ayaad u shaqeynaysaa, waxa caasimadda ka dhaceyna waa laab la kac”

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay inay Sabtida ka wada hadlaan Golaha deegaanku “Sabtida ayaa xildhibaannada Golaha deegaanku ka yeelanayaan fadhi aamn caadi ahayn” ayuu yidhi.