Raysal Wasaraha Somaliya Oo La Laabtay Golahiisa Wasirada Ee Uu Dhawaan Soo Dhisay

0

Muqdisho (AN) Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ogolaaday codsigii ka yimid ra’iisul wasaaraha ee ahaa in 14 casho oo dheeraad ah la siiyo si uu  u soo dhiso xukuumad tayo leh, kaddib markii uu xalay kala diray xukuumaddiisii hore. Waxaana xildhibaannada loo qaybiyay qoraalkii uu ra’iisul wasaaruhu ku kala diray xukuumaddii hore.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeennadiisa ayaa xildhibaannada hordhigay qoraalkii uu soo saaray Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Mudanayaasha ayaa dood kooban oo ay ka galeen warqada codsiga ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambeyn isku raaceen in la siiyo mudada 14 cisho ah ee uu dalbaday si xukuumad uu kusoo dhiso.

Sidoo kale, guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa xalay kulamo gaar-gaar ah la yeeshay xildhibaanada, isla markaana ka dhaadhiciyay inay ogolaadaan codsiga ra’iisul wasaaraha Somalia.

Warqadda ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali uu u soo gudbiyay baarlmaaanka oo uu ku dalbaday in waqtiga loo kordhiyo, uuna ku caddeynayay inuu golihii wasiirrada kala diray.

Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ku yeeshay xalay kulan Muqdisho, iyagoo ugu dambeyn isla gartay in wasiirradii uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha la kala diro, uuna dib u soo dhiso xukuumad kale.

Ugu dambeyn, ra’iisul waasaraha Somalia ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad kale, isagoo sheegay inuu kala tashan doono dhismaha wasiirada cusub, madaxda dalka iyo xildhibaannada baarlamaanka Somalia.