Fanaankii Maxamed Axmed Kuluc Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0

Hargeysa (AN) Allahawnaxariiste waxa magaalada Hargeysa ku Geeriyooday gaar ahaan Cisbitaalka guud iyada oo Isla manta Xaalad Caafimaad oo degdeg ah loo keenay.

Fanaanka Caanka ee Somaliyeed Axmed Maxamed (Kuluc) oo ahaa Fanaan Caan ka ah Gayiga Somalidu degto, waxa uu ahaa Fanaan Codkiisa Dad baddani jecelaayeen.

Fanaanka ayaa Muddo ku Xanuunsanayey Magaalada Hargeysa, basle waxa uu Dib u caafimaaday Dhawaan isaga oo maalintii Khamiistii ee todobaadkii hore ka qaybgalay Munaasibada wasaarada Warfaafintu u sameysay Prof: Axmed Ismaciil Samatar, Kuluc ayaa Maalintaasi caafimad qabbayisaga oo sheegay in uu ka soo ladnaaday Xanuun muddo hayey.