
Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa wel-wel xoogan ka muujiyey go’aan ay qaateen inta badan Bangiyada dalka Sweden oo ay ku xireen Koontooyinka shirkadaha Xawaaladda.
Soomaali badan ayaa noloshoodu ku xiran tahay lacaga ehelkoodu uga diraan dalalka Sweden ay ka mid tahay, waxaa la sheegaa in sanad kasta qurbo joogta ku dhaqan Sweden ay diraan lacag gaareysa 500 milyan oo lacagta Kartoonka ah.
Banigaga weyn ee Swedbank ayaa xirey inta badan shirkadaha Soomaalida Koontooyinkii ay ku lahaayeen, waxaana talaabadaas mid la mid ah qaadey qaar kale oo ka mid ah Banigiyada dalka Sweden.
Bangiyada ayaan keenin sabab rasmi ah oo ay u xireen Koontooyinka, Banigiyada ayaa ku andacooda in waddamada cuno-qabateyntu saaran tahay ay xaq u leeyihiin in ay baritaan dheeraad ah sameeyaan lacagta loo diraayo si aan lacag loogu dirin kooxo xagjir ah, ee aysan iska xirin Koontooyinka.
Shirkadaha Xawaaldaha ee Soomaaldia ayaa arrintan ku tilmaamey dhibaato horleh isla markaana ay adkaan doonto in ay lacagta garsiiyan dadka saboolka ah ee baahidu hayso.








