Muqdisho(AN)Ku dhawaad 200 Oo Xildhibaan oo ka mid ah Laba boqol iyo dhawr mudane oo ka qayb galay Fadhi maanta uu sheegay Baarlamaanka Somalia ayaa Ogolaaday in isbedel lagu sameeyo Xukumadda uu soo dhisay Ra’isal wasaaraha Somalia oo codsaday 14 Maalmood ka dib markii uu arkay inaan Golaha uu soo dhisay haysan Kalsoonida Baarlamaanka.
Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa go’aansaday inuu kala diro Golihiisa wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay.Warqad uu u gudbiyay Shir Gudoonka Baarlamaanka Somalia ayuu ku sheegay in la siiyo muddo 2 todobaad ah si uu u isbedel ugu sameeyo Golaha wasiirada. Sabtida Saaka ayaa la filayaa in Golaha Baarlamaanka la horkeeno Go’aanka Ra’isal wasaaraha Somalia
Sabtida Saaka ayaa loo balansanaa in Golaha Baarlamaanka la hor keeno Wasiirada si loo ansixiyo Xukumadda cusub, hase ahaatee Xildhibaan Bashaar Ugaas oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Ra’isal wasaaruhu Waraaqda ku sheegay inuu muddadii koobnayd ogaaday inaan Golaha wasiiradu taageero ka haysan Bulshada, sidoo kalena aanay helayn Kalsoonida baarlamaanka.
Waa markii u horaysay ee Gole wasiiro oo aan wali la ansixin la kala diro. Arragtida Bulshada iyo Xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ayaa muujinaysay siday uga soo horjeedaan Wasiirada Xukumaddihii hore ku jiray ee haddana ku jira Xukumadda iyo sidoo kale in Golaha wasiiraddu muujinayo Xulufo taabacsan Madaxweynaha.









