Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Xukuumada iyo Ka Golayaasha Qaranka waxa uu dhanbaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland iyo dadka Af-soomaaliga ku hadla ee uu Ka baxay Fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.