Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD ee waqooyiga Magaalada Hargeysa oo bilaabay abaabulka wejiga labaad ee dhismaha waddadaasi, ayaa shalay guddoomay deeq lacageed oo la soo gaadhsiiyey.
Guddida DAWGA-CAD oo dedaal ugu jira sidii uu u sii socod lahaa dhismaha Jidkaasi oo toddobaadkii dhammaaday uu Madaxwaynuhu xadhigga ka jaray wejigii koowaad oo la dhamaystiray isla-markaana dadkii gacanta dhaqaale ka geystay ku farxeen hawsha ay guddidu ka qabatay waddadaasi, ayaa guddoomay deeq lacageed oo dhan $ 11,940 doollar (Kow iyo toban kun, 9 boqol iyo 40 doollar), taasi oo ka soo gaadhay jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Denmark iyo Magaalooyinka Cujmaan, Abu-dubai iyo Magaalada Shiffield ee dalka Ingiriiska.
Marwo Xaliimo Cali Muuse oo ka mid haweenkii ururka GOBAAD ee lahaa fikirka midho dhalay ee lagu dhisayo jidka DAWGA-CAD oo halkaasi ku soo dhaweysay haween guddida soo gaadhsiiyey qayb ka mid ah deeqdaasi, ayaa tidhi “Guddida DAWGA-CAD rag iyo dumarba waxaanu soo dhaweynaynaa Faadumo Daarood oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta, loona soo idmaday inay guddida soo gaadhsiiso lacag ay soo direen hablaha Magaalooyinka Cujmaan iyo Abu-dubai ee Imaaraadka, lacagtaasi oo cadadkeedu yahay $ 10,770 doollar…hablaha reer Hargeysa ee Cujmaan iyo Abu-dubai waxaanu ka rajeynaynaa kaalintii weyn ee ay ka soo qaateen inay tu ka sii weyn ka soo qaataan, waddadiina waxay gashay Ceel Sheekh, waxayna innaga sugaysaa Caro-tuulkii iyo in Laamidii la saaro, waxaana inoo taalla hawl culus”
Marwo Xaliimo Cali Muuse oo sii hadlaysa ayaa guddida ku wareejisay lacag dhan $ 100 doollar ah, taasi oo ay ku soo hagaajisay Canab Cali Gaas oo jaaliyadda Sheffield ah, laakiin imika Hargeysa deggan”
Marwo Faadumo Daarood oo iyaduna guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD ku wareejisay deeqda lacageed ee ay u soo wakiisheen hablaha reer Somaliland ee Magaalooyinka Abu-dubai iyo Cujmaan, waxayna tidhi “Waxaan halkan ka salaamayaa guddida gacanta ku haysa Waddada DAWGA-CAD, aadna waanu idiinku mahad-naqeynaynaa, annaguna waxaanu lacagtaa ka keenay hablaha Cujmaan jooga iyo Abu-dubia, waxaana soo ururiyey aniga iyo afar hablood oo kale ee iga guddooma lacagtaasi oo dhan & 10,770 doollar..”
Waxa isaguna Guddida DAWGA-CAD deeq lacageed oo dhan $ 10,70 doollar ku wareejiyey Sheekh Ibraahim oo ka wakiil ahaa Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo lacagtaasi oo lagu soo hagaajiyey ka soo diray dibadda, waxaanu yidhi “Waxaan Guddida ku wareejinayaa lacag dhan $ 10,70 doollar, lacagtaasi oo ay soo dirtay gabadha Magaceedu yahay Kaltuun Faarax Mude oo deggan waddanka Denmark isla-markaana ku soo hagaajisay Sheekh Aaden Siiro oo isaguna aniga ii soo wakiishay”
Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ah ku simaha Guddoomiyaha Guddidaasi oo isagu guddoomay deeqahaasi lacageed ee meelaha kala duwan ka soo gaadhay, ayaa halkaasi uga mahad celiyey dhammaan dadkii lacagtaasi soo bixiyey, waxaanu ILAAHAY uga baryey in halkii ay ka soo saareen uu Alle wax ka khayr badanna ugu beddelo.
Sheekhu, waxa uu sheegay in hawshii ugu culayd ee jidka DAWGA-CAD ay hadda bilaabmayso, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in muwaadiniintu sii wadaan gacanta dhaqaale ee ay ka geystaan dhismaha Jidkaasi “ILAAHAY haka abaal-mariyo dhammaan dadkii soo diray lacagta na soo gaadhay oo isku geynteedu dhan tahay $ 11,940 doollar (Kow iyo toban kun, 9 boqol iyo 40 doollar). Waxaanu jecelahay inay waxaasi noqdaan wax joogto ah, soo dedaala, annaguna dhankayaga waanu ka dedaalaynaa, waayo qaybta doraad la furay ee (DAWGA-CAD) waxay ahayd intii Waddada Qalqaloocday ee ugu adkayd oo la ballaadhiyey, laakiin in Laami laga dhigo Hargeysa ilaa Ceel Sheekh hadda ayay inoo bilaabmaysaa, markaa sidaasi aynu ku talo-gallo”ayuu yidhi, Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac.
Eng. Axmed Warsame Siciid oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD ayaa isaguna halkaasi ka sheegay “Waxaad ogeydeen inaanu waddada ka bilownay Hargeysa, waxa dhamaystiran Hargeysa ilaa Foodka oo 60KM ah oo intii la xaadhi lahaana baabuurtu si wanaagsan ayay u maraan, intaa dabadeed waxaanu bilownay inaanu ka shaqeyno intii ugu adkayd, oo ah saddex buurood oo kala dambeeya, midna tahay 3KM iyo 200M, midna 1KM iyo 100M tahay, meelaha qaarkood oo waddada waalla ballaadhiyey oo balladh ahaan imika waa 15M, halkii ay markii hore ka ahayd 7M, waxayna qaadi kartaa shan baabuur (Oo yaryar) ama laba baabuur oo waaweyn ayaa si wanaagsan iskugu dhaafi kara, gooladihiina waaanu ballaadhinay. Intaa ka dib waxaanu ka hawl-galay intii u dambaysay oo ahayd buurta Camuud oo aanu Laamida dhignay ilaa Ceel Sheekh oo 45KM ah inaanu waddadii baneynno oo aanu dhirtii ka jarno, ciiddii ka qaadno, waddadaana balladhkeedu waa 10M oo gaadiidku si wanaagsan ayuu u marayaa, halkaana waxa ku dhamaaday saddexdii weji ee aanu markii hore ugu talo-galnay”
Eng. Axmed Warsame Siciid oo sii hadlaya ayaa faahfaahiyey shaqada weli u taalla guddi ahaan “Intaasi ka dib waxa bilaabmaya waddada Qurxinteedii, qurxinteedu wuxuu noqonayaa Caro-tuulkii oo la dhigo, la garaaco oo laamida la saaro, taasina waxay noqonaysaa hawshii ugu weynayd ee ay tahay in laga hawl-galo. Markaa qofka moodaya in waddadu ku eg tahay inta xadhigga laga jarayow, kuma eka ee imika ayay tahay inaynu hawshii waddada gallo, qof walbana sidaas ha ku talo-galo”
Ugu dambayn, waxa halkaasi ka hadlay xubnaha kale ee Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, waxayna qurba-joogta Imaaraadka iyo Ingiriiska iyo cid kasta oo ka qayb-qaadan karta dhamaystirka jidkaasi ay ugu baaqeen inay doorkooda sii wadaan isla-markaana ay dhexda u xidhaan sidii loogu guuleysan lahaa dhamaystirka waddada DAWGA-CAD.