USA: Nin Qorsheenayey inuu weeraro Barlamaanka oo la qabtay

0

Christopher-Cornell
Dowlada Maraykanka ayaa xabsiga u taxaabtay nin 20 sano jir ah oo la sheegay inuu damacsanaa inuu weerar ku qaado Xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee Capital Hill.

Ninkan oo ah cadaan u dhashay dalka Maraykanka ayaa lagu magacaabaa Christopher Cornell wuxuuna kasoo jeedaa magaalada Cincinnati ee gobalka Ohio.

Ninkan ayey qabteen ciidamada FBI ee danbi baarista Maraykanka kadib markii la ogaaday inuu hubka daraandooriga u dhaca uu gadanayey, isla markaana Internetka ku baahiyey qoraalo uu ku sheegayo inuu weerar ku qaadayo xarunta Baarlamaanka.

Hay’ada FBI ayaa sheegtay in nin uu xiriir la lahaa eedaysanahan uu u sheegay in uu doonayo inuu bambaanooyin ku qarxiyo xarunta Baarlamaanka kadibna uu rasaas ku furayo xildhibaanada halkaasi isku daya inay ka baxsadaan.

Ninkan ayaa lagu eedeyey inuu ku faanay inuu xiriir la leeyahay kooxda ISIS ee ka dagaalameysa dalalka Ciraaq & Siiriya iyo waliba kooxda kale ee Al Qacida.

Illaa iyo hada macada in ninkan uu ka dhabeyn lahaa hanjabaadiisa ama in ay ka ahayd cabsi gelin