Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa meel adag iska taagay go’aanno meel ka dhac ku ahaa Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland oo ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha dibadda ee urur gobolleedka IGAD, kaasi oo Sabtidii lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho.