Proff. Axmed Ismaaciil Samater ayaa cabbiray aragtidiisa la xidhiidha miisaanka uu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku dhex leeyahay ummadda Soomaaliyeed

0

images-12Proff. Axmed Ismaaciil Samater oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland, ayaa cabbiray aragtidiisa la xidhiidha miisaanka uu Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ku dhex leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Axmed Ismaaciil Samater, oo aqoonta uu u leeyahay siyaasadda iyo dhaqaalaha ka sakow ku xeel dheer suugaanta isla-markaana aad u kala yaqaanna noocyadeeda, mararka qaarkoodna ku luuqeeya heesaha Qaraamiga ah, ayaa sheegay in Abwaan Hadraawi uu xilligan yahay shaqsiga ugu miisaanka culus dadka Soomaaliyeed ee nool qarniga 21-aad.

Proff. Samatar oo khudbad ka jeedinayey Jaamacadda Burco, ayaa sheegay inuu aad u xiiseeyo Suugaanta Abwaan Hadraawi, hasa-yeeshee uu isagu aaminsan yahay inaanu xilligan jirin qof la miisaan ah Abwaan Hadraawi “Soomaali maanta nool oo la mid ah Abwaan Hadraawi ma jirto (Suugaan ahaan), taasi waa iga dhab, waayo Geeska Afrika, Soomaaliya iyo Somaliland iyo dibadda, wax nool oo la miisaan ahi ma jiro, markaa waa inaynu garanno” ayuu yidhi, Proff Samater, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo sharaxaya Miisaanka Suugaanta Abwaanka “Intaan ka aqoonno Murtidiisu ma dhammaanin waayo, Hadraawi waa sida ceel gun dheer oo aanan guntiisa soo taaban Karin