Golaha Wasiirada Ee La Magaacabay Waxaa Ka Muuqda Dano Gaar Ah..” Farmaajo

0

2014420635335965041602085IMG_0314Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhaliilay golaha wasiirrada uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid, isagoo xusay inay ku jiraan wasiirrada cusub 15-wasiir oo ka mid ahaa kuwii riday labadii xukuumadeed ee hore.
Farmaajo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad-jabsan yihiin xukuumadda lasoo dhisay, isagoo Sharma’arke ku tilmamaay mas’uul khibrad leh oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya.

“Dad badan oo filayay isbedel inuu dhici karo ayaa markii ay wasiirradan la magacaabay iyo siday wax u socdaan uu niyad-jab ku dhacay,” ayuu yidhi Farmaajo oo xusay in horay uu soo dhaweeyay magacaabista RW Cumar, balse uusan ku qanac-sanayn sida uu xukuumadda u soo magcaabay.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in dantii guud ee dalka laga hormariyay mid gaar ahaaneed, isla markaana xubnaha dib loosoo celiyay ay ahaayeen shaqsiyaad gaar ah oo madaxweynaha ku dhawaa, kuwaasoo horay ugu fashilmay xukuumadihii middan ka horreeyay, haatana dib loosoo celiyay.

“Aniga waxay iila muuqataa in dastuurka dalka meel lagaga dhacay lana soo magacaabay wasiirro ku dhow madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo ahaa kuwii fashiliyay xukuumadihii hore,Tani waxay caddeyn u tahay inaan la rabin danta shacabka oo mid shaqsiyadeed loo ordayo.”

Xukuumadda cusub ee lasoo magacaabay ayaa waxaa horay u dhaliilay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyagoo ku tilmamaay mid uu shaqsi soo magacow-day, waxayna ku goodiyeen inaysan kalsoonida siin doonin xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Sharma’arke.