Hargaysa(AN) Maxkamda rafcaanka ayaa soo saartay markii labaad xayiraad in aydib ugu celisay wargayska madaxabanaan Hubaal xili maalintii shalay ooda ka qaaday Wargayskaas oo mudo sanad ah xayirnaa Shabakadad Arabsiyonews oo la xidhiidhay Gudoomiyaha Wargayska Hubaal Maxamed Axmed Jaamc Caloolay ayaa noo xaqiijiyey in maxkamada Rafcaanku ay soo saartay warqad ay ku amrayso wargayskaas in aan laga daabici karin goobaha madbacdaha
waxa kale oo wax kawaydiinay Gudoomiyaha Wargayska Hubaal sababta ay u cuskaday in dib xayiraadi ugu celiso maxkamadu mar hadii shalay xayiraadi laga qaaday?
waxaanu ka jawabay Caloolay Gudoomiyaha wargayska Hubaal “runtii wax asbaabaha umay cuskan Maxkamadu iyadaanu ka war sugaynaa”
Iskusoowadaduuboo Wargayska Hubaal oo mudo sanad ah xayirnaa islamarkaana ay cadaysay Maxkamada Gobolka Maroodijeex in xayiraadii ka qaaday wargayskaas ayaa isla maanta Wargayskaasi mudadaas kadib uu soosaaray cadadkiisi maalin laha ahaa
ilaahadana macada asbaabaha ay cuskatay Maxkamada Rafcaanku xayiraada dib ay ugu celiyeen wargayskaas iyadoo dhacdadani aanay ku ugub ahayn Wargayskaa madaxabanaan, ayaa waxa hore udhacday tanoo kale iyadoo xayiraada hore looga qaaday dibna loogu celiyey
waxay suaasha iswaydiintu tahay ee bulshada ku dhaqan S/land iswaydiinayaan Garsoorka dalku ma qaar sharciyadoodu isburinaysaa ,yaase dhacdadan iska hore iyo daba imanaysa dabada ka riixaya?
suaashaasi waa falaadh ku ganan garsoorka dalka iyo goaamadan iskhilaafsan ee uu kasoo saaray wargayskaas mudada dheer xayirnaa
Arabsiyonews.net
Hargaysa Desk








