Waftigii TURkiga Ahaa oo Hadhima Sharafeed aad ubalaadhan loogusameeyay Magaalada Arabsiyo

0

Arabsiyo(AN) Waxa manta Hadhima sharafeed loogu Sameeyay Magaalada Arabsiyo Wafti Ganacsato ah oo maalmahanba ku sugnaa dalka Soomaaliland .

Waftigan oo Saaka Soomaray Guud ahaan Gobolka Gabilay Ayaa loogusameeyay hadhimo  sharafeed aad ubalaadhan ,oo ay kala qayb galeen Maayirka Dagmada Gabiley Shucayb Maamed Muuse oo uu Weheliyo Maayirka Arabsiyo,Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.

Waxaana ugu Horayn Halkaa ka hadlay Maayirka Dagmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax waxaanu sheegay inuu Aad ugu Faraxsanyahay Ganacsatada Turkiga ah kuna soo dhawaynayo Magaaladii Ugu horaysay xaga Waxsoosaarka ee gobolka gabiley,

Dhanka kale Wuxuu tilmaamay Gudoomiye C/laahi inay tahay Magaalada arabsiyi Meel ay Maal gashan karaan Turkigu .kuna booriyey ganacsatadan in ay indho indheeyaan nimcaduu Illaahay ku manaystay ee ku haboon waxsoosaarka

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Xildhibaan C/casiis oo kamida xildhibaanada Gobolka Gabiley Waxaanu sheegay inuu kusoo Dhawaynayo Magaalada arabsiyo intaa kadib Waxa ka Hadley midka mida Ganacsatadii Turkiga oo sheegay inuu Kamahad Celinayo Sida Sharafta leh ee lagu Casuumay magaalada Arabsiyo Waanan ku Faraxsanahay Guntii iyo Gabagabadii Waxa soo gabagabeeyay Maayirka Dagmada Gabiley ShaCayb Maxamed Muuse oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soona Dhawaynayo jecel yahayna inay maalgashi kusamaystaan Guud ahaan Gobolka Gabilay

1 2 3 4 5

6

 

7

 

Arabsiyonews.net

Muuse xuseen Xasan

Arabsiyo/Office

Contact  063-4434980