Madaxweynaha Somaliland Oo Dhaqan-geliyey Xeerka Komishanka La Dagaalanka HIV/AIDS-ka

0

images13Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqan-geliyey xeerka Komiishanka la dagaalanka Aydhiska ee Somaliland, kaasi oo ka soo gudbay Baarlamaanka

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegto xalay ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland, taasi oo u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2909/012015 ku dhaqangeliyey Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:   Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-26/645/2014 ee

ku taariikhaysan 05/01/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Guddida

(Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Guddida (Komishanka) Qaranka Ee Xakamaynta AIDS-ka Xeer Lr. 67/2014.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Duhuxul)

 Afhayeenka Madaxtooyada JSL