Hargeysa (AN) Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ee Isniinta, ayaa ku saabsanaa dood Mudaneyaashu ka yeesheen Dhaqaalaha dalka, waxaana badiba mudaneyaasha dooda ka qayb qaatay sheegeen in Dhaqaalaha Bulshadu hooseeyo islamarkaana Ganacsatadu siday doonto ka yeesho, Xukumadduna doorkeedii xakamaynta gabtay.