Burco (AN) Waxa Galabta la Filayaa inay Garoonka Kubada Cagta Alamsy Stadium Burco Uu si Rasmiya Uga Furmo Wareega Koobka Xulka Ciyaartoyga Gobalka Togdheer,
Wareegani Koobka Xulka Ciyaartoyga Gobalka Togdheer ayaa Waxa Galabta Waregaasi si Rasmiya Loogu Furi-donaa Labada Kooxod Oo ku Kala Ciyaari-Doonta Wasaradda Duulista iyo Hawada iyo Ciyaartoyga Wakaladda Biyaha Burco.
Waxaana Wareegani Lagu Kala Tartamayo Kooxda ku Gulaysan Doonta Xulka Ciyaartoyga Gobalka Togdheer ka Qayb Galay Ciyaartoy Tirro Badan Oo ku Kala Ciyaari-Doona Dhamaanba Wasaradaha iyo Laamaha kale Duwan Ee Xaruumaha Dowladda.
![]() |
Maamule ku Xigeenka Madarka Diyaradaha Burco C/Risaaq Nuur Caraale Oo isagu si Gaara ugu Waramayay Shabakadda Caalamiga ah Hadhwanaagnews ayaa Kooxda ku Ciyaaraysa
Magaca Wasaradda Duulista iyo Hawada Ee Gobalka Togdheer ilahay uga Baryay inuu Koobkasi ku Guleeyo isla Markaasna ay Noqdaan Kooxda ku Gulaysata Xulka Ciyaartoyga Gobalka Togdheer.
Ugu Danbayntii Maanta Galinka Danbe ayaa la Filayaa inuu Koobkaasi si Rasmiya Uga Furmo Garoonka Kubadda Cagta Alamsy Stadium Burco










