JAAMACADDA ABAARSO TECH OO TARTAN CIYAAREED U FURTAY ARDAYA JAAMACADDA.

0

Hargeisa (AN) Tartanka kubadda cagta Jaamacadda Abaarso Tech ayaa shalay ka furmay Garoonka Power League ee magaaladda Hargeisa.

Tartankan oo ay Ku hirdamayeen lix kooxood oo kala matalay kulliyadaha jaamacadda ayaa ahayd mid ay ka soo qayb-galeen madaxda, macalimiinta iyo ardaydda jaamacaddu.

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay Mr. Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Kuwayti) oo ah Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha, kaasi oo ka warbixiyay in Jaamacad ahaan maraaxilkii uu soo maray qabanqaabadda koobkani. Waxaanu sheegayi in ciyaartoygan tartankani ku hirdami doonaa, ay kala matalayaan dhammaan kulliyadaha ay jaamacaddu ka kooban tahay.

Abaarso Tech University Football SomalilandWaxa halkaasi ka hadlay Mr.Axmed Cali Maxamed,
oo ku hadlayay magaca Hargeisa Football Academy, oo iyagu farsamo ahaan ka taageerayay, isla markaana soo qabanqabiyay koobkani. Mr. Axmed Cali Maxamed wuxuu xusay inay Jaamacadda Abaarso Tech ay tahay jaamacaddii ugu horraysay ee tartan kulliyidaha dhex mara samaysay. Waxaanu sheegay in Jaamacadda Abaarso Tech markastaba lagu majeerto tayadda aqooneed, iyo tacliinka sare ee ay leeyihiin ardaydda ay soo saaraan, taas oo guud ahaan dalka lagaga majeerto.

Abaarso Tech University 104Mr.Axmed Cali Maxamed Wuxuu ka warbixiyay akadeemiyadda kubadda cagta ee madaxda u yahay (Hargeisa Football Academy) oo ahayd ta dalka ugu horraysay. Isagoo sheegay in sababahii ku kalifay ay tahay markii ay arkeen baahida loo qabo kubad xirfad leh. Iskuguna yimaadeen khubaro aqoon dheer u leh kubadda cagta oo qaar badani ka soo shaqeeyeen waddano badan oo Yurub ah. Mr. Axmed wuxuu ciyaartoyga kula dardaarmay inta ay ciyaarayaan inay muujiyaan ciyaar-wanaag iyo ixtiraam.

ATU futsal tournament SomalilandWaxaanu hadalka ku soo dhaweeyay Mr. Maxamuud Cismaan Maxamed oo ah Agaasimaha Maamulka iyo lacagaha Jaamacadda Abaarso Tech, oo isaga sheegay inuu ku faraxsan yahay qabsoomidda tartankan, isagoo xusay inay Jaamacad ahaan maddaama ay sumcad weyn ku leeyihiin dhinaca tayadda waxbarashadda Somaliland, haddana dhinacyadda kale ee ciyaaraha, iyo hal-abuurka ay dhiirigalin weyn siiyaan. Tanni ay qayb ka tahay hawlaha lagu dhiirigalinayo hibooyinka ardaydda, gaar ahaan dhinaca sports ka. Mr. Maxamud Cismaan wuxuu yidhi, “Maskaxda caafimaadka qabtaa waxay ku jirtaa jidhka caafimaadka qaba. Iyadoo aanu taas ka duulayno, ka Jaamacad ahaan, waxaanu markasta dhiirigalinaa sports ka.” Waxaanu halkasi si rasmi ah ciyaartii u furay Mr. Maxamuud, oo kooxaha halkaasi ku tartamayay u rajeeyay guul.

Abaarso Tech University 33Ciyaarta oo dhex maraysay laba kooxood oo ka kala socday kuliyaddaha Biomedical ka iyo Software Engineering ka, ayaa ahayd mid xamaasad leh, laba dhinaca weerar iyo weerar-celis ahaayeen, Haafkii hore ee ciyaarta ayaa ku soo afjarmay 4 gool ay dhaliyeen kooxda Software Engineering ku. Markii la isku soo noqday haafkii danbe ee ciyaarta ayaa markiiba ay laba kooxoodba ay la soo galeen dardar xoogle.

Abaarso Tech University 78Ugu danbayntiina waxay ciyaartu ku soo gabagabawday 7 gool iyo 4 ay guushu ku raacday kooxda Software Engineering ka.

Wareegan oo socon doona muddo bil ah, ayaa ay ka qaybqaadanayaan 50 ciyaartoy, iyadoo ay koox kastaaba u halgamayso inay noqoto horyaalka Kubadda cagta ee Jaamacadda Abaarso Tech.