Masiibo Ka Dhacday Magaalada Karachi Ee Dalka Pakistan Oo Ay Ku Nafweyeen Dad Kabadan 50-qof

0

Karachi (AN) In ka badan 50 ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Karachi ee dalka Pakistan, iyadoo dadka dhintay ay u ahaayeen rakaab saarnaa gaari bas ah. Shilka ayaa ka dambeeyay markii gaari booyad shidaal siday oo wado qaldan ku socday, isla markaana xawaare saa’id ku socday uu ku dhacay Gaariga Baska.

shil-pakistan

Dadka baska saarnaa ayaa lagu qiyaasay inay ka badnaayeen ilaa 60 ruux, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada lagu magacaabo Shikarpur oo magaalada Karachi u jirta ilaa 50-KM. Wararka ayaa sheegaya in dab ka dhashay shilka uu qabsaday gebi ahaanba gaarigii baska, waxaana dhamaan dadkii baska saarnaa gubay dabkaas, kuwaasoo jirkooda ka dhigay mid gubtay, isla markaana la aqoonsan waayay dhamaan dadkii saarnaa ee goobta ku dhintay.

shilka

Darawalka Gaariga booyada shidaalka waday ayaa markii uu shilka dhacay goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamada ammaankana ay aad u baadigoobayaan. Isbitaal Jinnah Hospital ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay meydadka ilaa 57 ruux, waxaana uu xusay inay suura gal tahay in dhimashada ay intaas ka badato. Shilkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee ka dhaca magaalada Karachi, inkastoo labo bil ka hor shil baabuur ay ku dhinteen 50 qof uu ka dhacay  magaalada Khairpur ee waqooyiga Gobolka Sindh dalka Pakistan