Mitt Romney Oo Mar Kale U Taagan Doorashada Madaxtinimada Maraykanka.

0

CaptureWashingtong (AN) Mitt Romney Oo ahaa Musharaxii Xisbiga Jamhuuriga ee Doorashadii 2012-kii Madaxweyne Barack Obama kaga guulaystay doorashadii Madaxweynaha dalka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday inuu mar sadexaad isu taagi doono doorashada Madaxweyne nimada dalka Maraykanka ee sanadka inagu soo foolka leh.

Mitt Romney ayaa  hadalkan ka yidhi xaflad tabaruc lagu ururinayay xisbiga Republican-ka waxaana suura gal ah inuu tartan adagi dhex maro, musharaxa kale ee isna xisbigaas ka dhex ordaya Jeb Bush oo ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka ahaana Badhasaabka Massachusetts