Muqdisho (AN) Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa ku tilmaamay shirkii 53-aad ee wasiirada IGAD ay ku yeesheen Muqdisho inuu caddeyn u yahay isbedelka dhinacyada nabadda iyo siyaasadda Soomaaliya.
Shirkii wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD ay shalay ku yeesheen xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Somalia ku yeeshaan tan iyo markii uu dalku galay burburka iyo colaadaha sokeeye.
“Doorka IGAD ee geeddi-socodka nabadda, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Soomaaliya waa mid horay u sii socda, shikan ay ku yeesheen Muqdisho ku yeesheenna waa mid taariikh ah,” ayuu yiri danjire Sidikou.








