Maxkamada Gobolka Maroodijeex oo xayiraadi ka qaaday Wargayska Hubaal

0

Hargeysa(AN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa manta soo saartay qaraar isugu jira Xayiraad ka qaadis iyo Dacwad Oodis muddo badan ku socotay wargeyska Hubaal, kaasoo ay Booliisku hore u xidheen kadib markii uu Dacwad Ciqaab ah ku Oogay Taliyaha Booliiska Somaliland C/laahi Fadal Iimaan.

hubaalGarsoore Xuseen Maxamed Jaamac oo Dacwadan hayey ayaa manta soo saaray Qaraarka uu ku Oodayo Dacwadii ku socotay wargeyska Hubaal waxaanu ku Amray hay’addaha Amniga iyo Kaaliyaha Maxkamaddaba inay ka saaraan Diiwaanka Dacwadaha.

Sidoo kale, Garsoore Xuseen waxa uu qaraarka kale ku wargaliyey Hay’adaha Amniga in Xayiraadii saarnayd Wargeyska Hubaal laga gaaqay, isla markaana ay u madax banaan yihiin hawlahooda.

Hore ayay Maxkamadda Gobolku Qaraar kan la mid ah uga soo saartay Kiiskan, hase yeeshee Xeer ilaalinta ayaa Rafcaan u qaadatay Maxkamadda Rafcaanka.

Dhanka kale shabakada Arabsiyonews ayaa la xidhiidhay Gudoomiyaha Wargaysa Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) waxanu sheegay in ay soo dhawaynayaan xayiraada laga qaaday waragayska Hubaal ee madaxabanaan

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk