Weerar bambaano oo ka dhacay Istanbul, Turkey

0

Qarax-istanbul-sultanaxmed2
Waxaa habeenimadii Salaasada oo Arbacada soogelaysay uu weerar ismiidaamin ah ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Hal askari ayaa ku dhintay weerarkan waxaana ku dhaawacmay laba askari oo kale.

Qaraxan ayaa la sheegay inay geysatay haweenay bambaano wadatay oo weerar ku qaaday xarunta Booliiska ee ku taal degmada Sultan Axmed oo ah bartamaha magaalada Istanbul.

Degmada Sultan Axmed ayaa kamid ah goobaha ugu qadiimsan magaalada Istanbul, waxaana degmadaasi ku yaal goobaha loo dalxiis tago oo uu kamid yahay masaajidka weyn ee Buluuga loo yaqaan.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay baareyso cida ka danbeysa weerarkan.

Telefishinada dalka Turkiga ayaa shaaciyey muuqaal muujinaya haweenayda la tuhunsan yahay inay isku qarxisay xaruntaasi Booliiska.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ay Booliiska Istanbul ay gacanta ku dhigeen nin hubeysan oo bambaano gacanta ku tuuray xarunta xisbiga AK ee Madaxweyne Tayyib Erdogan, bambaanooyinkaasi oo qarxi waayey. Ninkaasi la qabtay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa urur dalka Turkiga laga mamnuucay oo shuuci ah