Gaari uu watey macalin ka tirsan Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo la qarxiyey

0

simadMacalin ka mid macalimiinta wax ka dhiga jaamacada SIMAD Muqdisho ayaa lala eegtay qarax lagu xiray gaarigiisa, macalinka ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Macalinka oo magaciisa lagu sheegay C/xaliim Axmed Nuur ayaa gaarigiisa la mareyey xaafada Taleex ee degmada Hodan markii qaraxa lala eegtay khasaaraha soo gaaray macalinka ayaa lagu sheegay in mid ka mida lugihiisa ay si xun u bur burtay.

Isbitaalka Madiina ayaa loola cararay dhaawaca macalinka oo halkaa lagu dambiibayo xaaladiisa caafimaad oo aad halis ugu jirta, waxaana la sheegayaa in mid a mid ah labadiisa lugood uu ku waayey qaraxa.

Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii macallin kale, oo ka tirsanaa maamulka Jaamacadda SIMAD, Ibraahim Maxamed Xaamud lagu dilay weerar ay fuliyeen rag hubeysan oo watay gaari, kuwaas oo goobta ka baxsaday isla markii ay dilka geysteen.