Waxaanu Leenahay Hawshii Aanu Uga Baahnayn Ee Daryeelka Goobaha Xabbaalaha Ah Kamaanu Helin Dawladdaha Hoose, Waxaana Ugu Sii Daran Hargeysa.”Guddida Baadhista Xasuuqa Ee Somaliland

0

d8b53c4364148665ddbfe9c9f18224fb_SHargeysa (AN) Guddida Somaliland u qaabilsan Baadhista Xasuuqii taliskii Siyaad Barre u gaystay Bulshada Somaliland ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin ay bulshadu ku hayso Xabaalo wadareedyada astaanta u ah Xasuuqa. Waxay sidoo kale Dawladdaha hoose ee dalka ku eedeeyeen inaanay waxba kala qaban guddida goobo Xabaalo wadareed ah oo dad shacab ahi iska dageen.

Gudoomiyaha Guddida Khadar Axmed Like, ayaa bulshada ugu baaqay inaanay baabiin raadadka makhraatiga ka ah xasuuqii Bulshada Somaliland loo gaystay oo ah garta kaliya ee Somaliland u haysato gooni isku taageeda.

“Dadweynaha waxaanu ka codsan lahayn inay nala caawiyaan hawshaa aanu hayno islamarkaana ogaadaan oo gartaan inay tahay garnaqa dhibatooyinkii loo gaystay. Dalka Somaliland ta ugu horreysa ee kow ka ah umaddii la soo ururiyay ee reer Somaliland  ee inta rasaas la mariyay lagu wada riday xabaal kaliya taas weeye, hawsha annaga noo taal,intii itaalkayaga ahna waanu dedaalnaa oo calaamadinaa xabaalo wadareedyada waaweyn ee lagu aasay dadkii la xasuuqay, haseyeehee dadkeena iyo degaankiisa ayay dhibaato ka taagan tahay waxaanan ka codsanaynaa dadweynaha in cidda deggan goob xabaalo ah ka dul kacdo, ciddii kalena ay nala ilaaliso hawshaas oo ah garta ugu weyn ee somaliland u haysato madaxbanaanideeda” ayuu yidhi Khadar Like.

Gudoomiyaha Guddida Baadhista Xasuuqu waxa uu sheegay in hadda ay ugu daran yihiin Goobo Xabaalo wadareedyo ah oo dad shacab ahi ka dhisteen Guryo Jiingado ah kuwaasi oo ay sidii looga rari lahaa dawladda hoose ka dalbadeen balse aanay wax talaabo ah ka qaadin.

“Dawladda hoose ee Hargeysa in badan ayaanu ka dalbanay oo barinay inay wax nagala qabtaan dad badan oo deggan xabaalo dushood, balse wax war ah oo ay nagu soo celiyeen ma jiro, gaar ahaan xaafaddaha Badhka iyo Siinay ee Koonfurta Hargeysa oo ay waliba ku jiraan ilaa Warshdada Caanaha goobahaas oo dhan waxa dadku dul deggan yihiin Xabaalaha Calaamadsan ee qaarkood ay baadheen dhakhaatiirta hawlahaas ka shaqeeya ee qaramada midobay markaa haddii dawladda hoose waxba ka qaban wayday waxa aanu dadka ka codsan lahayn inay iyagu caqligooda kaga guuraan kuna banneeyaan goobaha xabaalaha ah ee astaanta u ah xasuuqii Somaliland,waayo cidda xabaalaha dul degtaa waa cid dhuxul naar ah ku taagan amma ku fadhida” ayuu yidhi Mr khaddar.

Mudane Khadar Axmed Like, waxa uu sheegay in la goostay Biro ay ku calaamadiyeen Xabaalo wadareedyada ku yaala meelobadan oo dalka ah “ Waxa aanu u samaynay Xabaalo wadareedyada astaamo u gaar ah oo biro ayaanu ka taagnay laakiin, nasiib aro birihiina waa la goostay markaa boodhkii iyo meeshii xabaasha ahayd oo la akro mooyaane kuma samaysna calaamado kale, waxaanu doonaynaa inaanu sanadkan u samayno Kaabado yaryar oo sibidh ah oo aan waxba lagu falayn laakiin, Calaamadu ka muuqato inay tahay Xabaalo wadareed,waxaanan leenahay hawshii aanu uga baahnayn ee daryeelka goobaha xabbaalahaa ah kamaanu helin dawladdaha hoose, waxaana ugu sii daran Hargeysa.”

Mudane Khadar Axmed Like waxa uu sheegay in Makhraatiga kaliya ee Somaliland u haysato Xasuuqii loo gaystay tahay dadka lagu aasay Xabaalaha, taasi oo sidoo kalena xoojinaysa doodeeda gooni isku taaga.