Hargeysa (AN) maxuu faa,ido ee uu leeyahay xeerka duur joogta maxayse dawlada joogta uga qor.shaysan inay ku dhaqaaqdo si ay u hirgeliso xeerkaasi ugalana tacaasho cida ku xad gudubtaXeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duurjoogta, kaddib markii Goluhu aanu wax fadhi ah yeelan maalmihii u dambeeyay oo Kooramku buuxsami waayay.
Fadhiga shalay oo uu guddoominayay Guddoomiye xigeenka 1-aad, ahna kusimaha gudoomiyaha Baashe Maxamed Faarax ayaa mudaneyaashu cod ugu qaadeen xeerka, Waxaana ogolaaday in la ansixiyo 42 mudane, Waxaa Diiday in la ansixiyo 3 mudane, Waxaana ka aamusay hal mudane, Guddoomiyuhuna ma codayn sida caadiga ah tirada guud ee Xildhibaanada fadhiga ka qayb qaatayna waxay ahaayeen 47 mudane. Xeerkuna sidaasi ayuu ku ansaxay.
Dhanka kale, Wasiirka wasaaradda deegaanka ee Somaliland, Marwo Shukri Ismaaciil Bandare oo iyaduna saxaafadda la hadashay markii xeerkaasi la ansixiyey ka dib, ayaa soo dhaweysay, waxayna sheegtay in deegaanka Somaliland uu helay hiil.
Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysaa waxay tidhi “Deegaanka Somaliland maanta ayuu helay hiil, maadaama oo la ansixiyey xeerkii, Madaxwaynuhu soo saarey Digreeto, Madaxwaynaha iyo Baarlamaanku way u hiiliyeen deegaanka, ILAAHAY waxaanu ka rajeynaynaa inaanu sida ugu habooon sharcigaa ugu shaqeyno”








