Maraykanka oo xiray Rag Inqilaab ka sameeyey Gambia

0

Yahya-Jammeh-gambia

Dowlada Maraykanka ayaa xirtay labo nin oo la sheegay inay ku lug lahaayeen afgembigii fashilay ee asbuucii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Gambia.

30kii bishii December ayey ahayd markii kooxo hubeysan isku dayeen inay qabsadaan Madaxtooyada dalka Gambia xili uu dalka ka maqnaa Madaxweynaha GambiaYaxya Jammeh.

Isku daygaasi Inqilaab ayuu Madaxweyne Yaxya ku eedeeyey inay ka danbeeyeen kooxo Qurbo joog ah oo uu sheegay inay taageero ka helayaan dowladaha USA, Britain iyo Germany.

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa xaqiijisay in shaqsiyaad asal ahaan kasoo jeeda dalka Gambia oo ku noolaa Maraykanka ay ka qeyb qaateen afgembigaasi fashilay, waxayna dowlada Maraykanka iska fogeysay inay wax xiriir ah lalaheyd kooxdaasi.

Labo nin oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Gambia heystana dhalashada Maraykanka ayaa lagu xiray magaalada Minneapolis iyadoo lagu eedeeyey inay kamid ahaayeen kooxdii abaabulay isku daygii inqilaabka ee ka dhacay wadankaasi Gambiya.

Yaxye Jammeh oo ah Madaxweynaha in muddo ah soo maamulayey dalka Gambia ayaa lagu eedeeyaa inuu si kalitaslinimo ah dalkaasi ku maamulo iyadoo ay si weyn uga soo horjeedaan in badan oo kamid ah Qurbo joogta reer Gambia