France oo la dagaalameysa kooxo ku sugan Liibiya

0

hollande_2015
Madaxweynaha France, François Hollande ayaa sheegay in dowladiisa ay dagaal dheer la geli doonto kooxo Islaamiyiin ah oo uu sheegay inay hada kusii xoogeysanayaan wadanka Liibiya.

Hollande ayaa shaaciyey in Militariga France uu saldhig cusub ka sameysan doono waqooyiga dalka Niger meel aan ka fogeyn xaduuda koonfureed ee Liibiya, si ay ulla dagaalamaan kooxaha Islaamiga ah ee xarumaha ka kuleh dalka Liibiya.

Hogaamiyaha France ayaa sheegay in xoogaga Islaamiga ah ee Liibiya si weyn usii xoogeysteen kadib markii xilka laga tuuray xukuumadii Col.Qadafi, iyadoo France ay kamid ahayd dowladihii wax ka burburiyey dowladii Liibiya.

François Hollande ayaa ku dooday in maleeshiyaadka ku sugan Liibiya ay yihiin kuwa hubka usoo gudbiyey kooxaha islaamiga ah ee ka dagaalamaya wadamada Mali iyo Nigeria, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto xoogaga taakuleenaya jamhadahaasi oo saldhigoodu yahay Liibiya.

Goobta uu Faransiiska doonayo inuu saldhiga ka sameysto ee ah wadanka Niger ayaa ah dal xaduud laleh afarta wadan ee kala ah, Liibiya, Mali, Nigeria, Aljeeriya iyo Chad.

Hase yeeshee Madaxweynaha France ayaa sheegay in xiligan uusan dalka France kaligiis gudaha u geli doonin dhulka Liibiya.