Sucuudiga (AN) Laba Sarkaal oo ka tirsan ciidanka ilaaladda Sucuudiga ee xadka ay wadagaan labadda dal Ee Ciraaq iyo sucuudiga ayaa ku dhintay weerar ay ku soo qadeen raghubaysani,
Maleeshiyaad hubeysan oo ka yimid dhinaca dalka Ciraaq ayaa weerar la beegsaday xarunta ciidamada illaalada xaduuda ee ku taal deegaanka Arar.
Tan iyo bishii June ayey dowlada Sucuudiga waday dhaq dhaqaaq ay ku adkeenayso xuduuda ay la wadaagto dalka Ciraaq, kadib markii ay kooxda ISIS la wareegtay dhul balaaran oo kamid ah wadamada Ciraaq iyo Siiriya.
Horey umay dhici jirin weeraro noocaan ah oo ka dhaca xaduuda u dhaxeysa Sucuudiga iyo Ciraaq, balse horey ayey weeraro noocaan ah uga dhaceen xadka u dhaxeeya Yemen iyo Sucuudiga