Xeer mihiim ah oo ay ansixiyeen Mudanayaasha golaha wakiilada iyo tiradii ugu yarayd oo fadhigaas kasoo xadirtay

0

Hargaysa(AN) Fadhigii maanta ay yeeshen mudanayaasha Golaha wakiilada S/land oo shir guddominayey Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee golaha wakiilada S/land Baashe Maxamed Faarax   ayaa mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen  Xeerka duurjoogta iyo deegaanka

fadhigan maanta ayay ka soo xaadireen  48 xildhibaan waxaana ucodeeyey xeerka duurjoogta iyo deeganka 42 mudane waxaana ka aamusay 2 mudane halka  3 mudane ay ka diideen

xeerkan maanta ay ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiilada ayaa faaido badan uleh duurjoogta iyo deegaanka

waxa xusid mudan fadhiga maanta oo mudo la sugayey mudanayaashu si uu kooramka golahu ubuuxsamo waxaana kacad mudanayaasha  golaha wakiilada oo tiradoodu dhan tahay 82 mudane tirada maanta kasoo xaadirtay oo marka loo eego tiradooda aad  uga fag

waxa kale oo ayaan daro ah mudanayaasha Wakiilada oo xeeran maanta la ansixiyey ee duurjoogta iyo deegaanka oo ahmiyad wayn uleh qaranka iyo degaanka S/land inta Xildhibaan ee iska soo xadirisay fadhigan

 

shabakada Arabsiyonews.net waxay inii soo gudbin doonta xeerarkii kala duwanaa ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen mudodii Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ,fadhiyada sida ay uga soo xadiri jireen tiro ahaan iyo xeerarkaas bulshadii soo dooratay imisaa udan ahaa ee ay fuliyeen

 

Arabsiyonews.net

Hargaysa Desk