Soomaaliya: Odey 70 Jir Ahaa Iyo Xaaskiisa Oo La Dilay, Laba Ku Dhintay Dibad-bax Iyo Wariyayaal La Dhaawacay

0

download-150x150Qoryooley (AN)  Kooxo dabley ah ayaa shalay ku toogtay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Soomaaliya, oday 70-jir ah iyo gabadhiisa, iyadoo maamulka degmada uu dilkaas ku sheegay inuu ahaa mid ay siyaasadi ka dambeyso.

Xoghayaha maamulka Qoryooleey oo la hadlayay qaybta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in odayga iyo gabadha lagu dilay duleedka degmada, ayna wadaan baadhitaanno ku saabsan sidii ay u ogaan lahaayeen dilka labadan qof loo geystay “Oday 70-jir ah iyo gabadhiisa oo xoolo dhaqato ahaa ayaa maanta (Shalay) dulleedka Qoryooley lagu dilay; waxaana dilkan uu dilkan ay la xidhiidhaa maamullada la sameynayo… waayo waxay ahaayeen dadkan xoolo dhaqato,” ayuu sheegay xoghayaha maamulka degmada.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in kooxo hubeysani ay gurigooda ugu tageen, isla markaana ay ku yidhaahdeen qoriga keena, markii uu u sheegay in wax qori ah aanu haysan oo uu beeraley iyo xoolo dhaqato yahay ayay toogteen “Dilkan waa mid siyaasadeysan oo ah in qofkii aan digil iyo midhifle ahayn oo qori haysta in qoriga laga qaado, haddii aanu haysanna la dilo, waana dil siyaasadeysan,” ayuu mar kale xoghayaha Qoryooley oo BBC-da u sheegay.

Mar la weydiiyay sida ay ku ogaadeen in dilkan uu yahay mid siyaasad salka ku haya ayuu kaga jawaabay in wararka soo gaadhay markii uu dilku dhacay uu ahaa inuu yahay mid salka ku haya siyaasadaha dhismaha maamullada gobollada ee dalka laga hirgelinayo, mana ahan wax sababo loo raadin karo in oday 70-jir ah la dilo.

“Waan baadhaynaa marka aan leennahay, waa inaan howsheenna qabannaa; dilkanna wuxuu qayb ka yahay dilal dhawaantan ka socday gobolkan,” ayuu hadalkiisa raaciyay xoghayaha maamulka degmada Qoryooley.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax warar kale oo ku saabsan dilka loogu geystay degmada Qoryooley duleedkeedan odaygan 70 jirka ah iyo gabadh la sheegay inay xaaskiisa ahayd.

Dhanka kale, Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday dibad-bax rabshado wata oo shalay ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ee Soomaaliya, kaasoo ahaa mid lagu taageerayay ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Labada qof ee ku geeriyooday dibadbaxyada ayaa kala ahaa wiil iyo gabadh dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa dhigayay, iyadoo xubno ka tirsan maamulka degmadaas ay sheegeen inay hadda xaaladdu tahay mid deggen “Dibadbax ay dhigayeen dad dhallinyaro ah ayaa ka dhacay degmada, laba qof oo wiil iyo gabadh ahaa ayaana ku dhintay, dhowr kalena dhaawacyo aan weynayn ayaa soo gaadhay,” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka degmadaas, Cali Baashi oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in markii mudaaharaadku uu degmada ka billowday ay ciidamada degmadaas ku sugan billaabeen inay rasaas kala duwan furaan, taasoo sababatay dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah.

Wararka ayaa intaas raaciyay in dibadbaxyaashu ay xarunta degmadaas u galeen gudaha ayna jajabiyeen dhammaan qalabkii xafiisyada ee halkaas yaallay, taasoo keentay sida la sheegay inay ciidanku xabado ku jawaabaan.

Maamulka ayaa ku eedeeyay inay dibadbaxan soo abaabuleen ciidamadii laga saaray degmadaas bishii lasoo dhaafay ee December, kuwaasoo hadda ku sugan deegaan 60-km u jira degmada Guriceel.

Sidoo kale, Laba bambaanooyinka gacanta ah oo habeen hore fiidkii lagu weeraray xarunta idaacadda Gaalkacyo oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa lagu dhaawacmay laba wariye oo ka howlgalayay idaacadaas, sida uu sheegay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Wariyeyaasha dhaawacmay ayaa waxay kala yihiin; Shiine Cabdi Axmed iyo Cabdullaahi Maxamuud Aadan oo labaduba ah soo-saare iyo wariye, iyadoo la sheegay inay ka dhaawacmeen gacan iyo lug.

NUSOJ ayaa sheegtay in kooxo hubeysna oo aan la garanayn ay bambaano ku tuureen dhismaha idaacadda, iyadoo weerarku uu dhacay 7:40 fiidnimo ee habeen hore oo Arbaco ahayd “Bambaanadii koowaad waxay ku dhacday meel ay fadhiyeen wariyeyaal ka tirsan idaacadda,” ayuu yidhi Iimaan Maxamed Jaamac oo ah wakiilka NUSOJ ee NUSOJ.

Guud ahaan Somalia ayaa lagu dilay sannadkii 2013-kii toddoba wariye sida laga soo xigtay ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee caalamka, halka sannadkii 2012-ka lagu dilay Soomaaliya oo dhan 18-wariye, kaasoo ahaa sannadkii ugu dhimashada badnaa wariyeyaasha Soomaaliya.