Burco (AN) Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan isla-markaana ay xubno ka ahaayeen Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa doraad kulan gaar ah la yeeshay Madax-dhaqameedka gobolka Togdheer qaarkood, waxaana laga wada hadlay ilaalinta nabadgalyada iyo sidii bulshada gobolkaasi door ugu yeelan lahaayeen horumarka dalka.