Waa Wax Aan La Liqi Karin, Inaad Aragto Wefti Heer Sare Ah Oo Somaliland Kaga Baxaya 5 Isaaq Ah Iyo Laba Hareeraha Ah” Prof. Axmed Ismaaciil Samater

0

download-2-150x150Hargeysa (AN) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar,  oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somalilnad, ayaa si qoto dheer u sharaxay hanaanka lagu midayn karo Somaliland isla-markaana laguna dawayn karo Tabashooyinka beelaha Galbeedka iyo Bariga Somaliland.

Isagoo tilmaamay in dawadu tahay in Mansabyada waaweyn ee Qaranka ay oo dhami iska wada dhex arko, waxaanu nasiib daro ku tilmaamay in Miisaanka wufuudda wada hadallada uga qayb-gala Somaliland ay yihiin masuuliyiinta beesha Dhexe.

Prof. Axmed Oo habeen hore Khudbad u jeediyay Ardayda Jaamacadda Golis ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ku kala duwan yihiin amaanka, sidaasi darteedna uu u tagi kari waayay Sool.

Axmed Ismaaciil Samater, oo ka hadlaya Macnaha dawladnimada ayaa yidhi “Had iyo jeer Dawladda la dhisayaa waa in aanay yeelan uun Karti, way fiican tahay hadday Dawladdu Karti leedahay, laakiin waa inay leedahay Karti iyo Caddaalad wada socda.  Markaa waa in Dawladda Madaxdeedii hadday tahay Baarlamaanka, Fulinta ama Maxakamadaha ama Jenneraalada Ciidamada ha noqotee, Xafiisyada Waaweyn ee Dawladda waa in la iska wada dhex arkaa, iyadoo Kartidana la eegayo oo aan la eegayn uun kaasi waa Reer Hebel”

Prof. Samatar waxa uu waxaan la liqi Karin oo aan la qaadan Karin ku tilmaamay Wufuudda heerka sare ah ee Xukuumadda Somaliland u dirto dibaddu ay u bataan beel kaliya “Waxaa wax aan la calaashan Karin oo aan la liqi Karin ah ama ay adag tahay inaad liqdo marka aad aragtid Wefti Somaliland ka baxaya oo heer sare ah oo ka kooban 5 Isaaq ah iyo laba qof oo Hareeraha ka socda ay TV-ga kaaga soo baxaan”ayuu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samater oo intaasi raaciyey “Xaqiiqdii waxaa habboon in dadka Firidhsan ee aad doonayso inaad soo jiidato aad soo horaysiiso, Shuruuduna waa inay waddanka daacad u yihiin oo ay shaqada ka soo bixi karaan. Markaa Dawladda Xafiisyadeeda waaweyn waa inaa la iska dhex arkaa waliba adigoo horraysiinaya dadka aad doonayso inaad soo jiidato”

Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sidoo kale ku taliyay in meelba meesha ay ka liidato xagga dhaqaalaha iyo nolosha loogu kala sad buriyo oo dhaqaale la galiyo “Waxaa jira Dad meel ku wada Nool oo haddana kala sareeya, qaybina fiqiir tahay qaybina wax haysato, markaa waxa weeye in inta Somaliland sidaas loo eego la yidhaahdo Meelaha ugu liita Ilgaar ah ha lagu eego. Marka aad eegto Sool, Waa la wada liitaa, laakiin markaad isbarbar dhigto Sool aad iyo aad bay u liidataa” ayay yidhi Prof-ku.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu soo jeediyay in la ilaaliyo wadajirka Somaliland “Wada jirka Somaliland in la ilaaliyo waa ta ugu macquulsan, haddaynu kala daadanno waxaynu ka soo ordaynay ayaynu waliba inagoo Gurguuranayna dib ugu ordi doonaa, dabeed wixii 25 Sannadood loo soo shaqaynayay waxay noqonaysaa waxaan waxba ka jirin”

Axmed Ismaaciil Samatar waxa kale oo uu ka hadlay qabiilka iyo wadaniyadda  “Sida loo kala saarayo qabiilka iyo Waddaniyadda waa arrinta ugu culus ee maanta reer Somaliland hor taalla, runta haddaan idiin sheegana dadkayaga dibadda jooga mar walba waa noo naxdin. Sidaasi daraadeed dooddaydu waxa weeye laba ma wada noolaan karaan, haddii Somaliland Noolanayso waa In Qabiilku dhintaa, haddii Qabiilku noolaanayana waa in Somaliland aynu Aasnaa”ayuu yidhi