La Yaab 40 Sano Ayay Sida Ragga U Labisan Jirtay, Maxaase Ku Kalifay

0

Aabo

MasarĀ (AN) Haweenay u dhalatay dalka Masar ayaa muddo afartan sanadood ah ku labisan jirtay dharka raga, iskana dhigi jirtay nin, waxaanay haweenaydan oo lagu magacaabo, Sisa Abu Dux oo 64-jir ahi ka warantay sababtii geedigaa dheer ee dhalan gadiska ah gelisay nolosheeda.

Haweenaydan ayaa sheegtay in ninkeedi ka dhintay wax yar uun markii ay is qabeen ee guurkooda kadib, wakhtigaas oo ay uurkiisa lahayd wiil noqday ka kaliya ee dad iyo duunyo uga hadhay odaygeedi.

Sida dhaqanka wakhtigaas ka jiray degaanka ay ku noolaayeen ee Saciid Masar ahaa, suura gal umay noqon karayn in haweenay qabato shaqadii ninkeedu ka dhintay, sidoo kale ma jirin wax qaraabo dhow ah oo ninkaasi lahaa, waxaanay dhexda u xidhatay sidii ay nolosheeda u badbaadin lahayd, wixii ilmaha uurkeeda ku jiraa noqda wiil iyo gabadhna ay u korin lahayd.

Sida ay sheegtay Sisi waxa kale oo dhibaatada heshay u dheerayd, qoyskooda oo aan wax taakulo ah haba yaraatee u fidin, gaar ahaan walaaleheedi la dhashay, taas oo ka mid ah dhaqanada qalafsan ee badiyaa dadyowga carabta ahi kula kacaan haweenka laga dhinto iyo kuwa carmaliga noqda.