Waxaa Sabtidii shalay qeybo kamid ah dalalka Galbeedka Europe ka da’ay baraf saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka.
Dalalka uu barafka ka da’ay ayaa waxaa kamid ah UK, Holland, Belguim, Germany iyo France.
Dalalka UK iyo Germany ayuu ka da’ay barafka ugu badan kaasi oo keenay in la hakiyo qaar kamid ah duulimaadka diyaaradaha, waxaana sidoo kale jira shilal badan oo ka dhacay wadooyinka waaweyn ee uu barafka xiray.
Dalka UK ayey u dheertahay iyadoo maalmahan laga dareemayo dabeylo xoogleh kuwaasi oo sare usii qaaday qabowga xiliga barafka da’ay.
Wadanka Frane oo kamid ah wadamada loo dalxiis tago ayaa waxaa ku xaniban dalxiisayaal badan oo maalmaha fasaxa dhulka buuraleyda ah u dalxiis tagay.
Arabsiyonews.com
Hargeisa office








