Ururka ISIS ayaa dalka Ciraaq ku dhisay 45 kamid ah askarteeda oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay ka baxsadaan kooxdaasi.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya xili kooxda ISIS ay isaga baxday qeybo kamid ah dhulka buuraleydka ah ee Sinjar ee waqooyiga dalka Ciraaq.
Goobahaasi ayaa waxaa todobaadkii lasoo dhaafay la wareegay xoogaga kurdida ee Bashmerga oo taageero ka helaya dalalka reer Galbeedka.
Wararka kasoo baxaya magaalada Mosul oo ah xarunta ISIS ee Ciraaq ayaa xaqiijinaya dilka loo geystay xubno kamid ah ISIS oo uu hogaanka kooxdaasi ku eedeeyey guuldaradii kooxdaasi ay kala kulantay dagaalka ka socda Waqooyiga Ciraaq, halka xubnaha la dilay ay ku jiraan kuwo la sheegay inay doonayaan inay ka baxsadaan kooxdaasi.
Arabsiyonews.com
Baqdaad office








