Xisbiyada Mucaaridka dalka Kenya ayaa sheegay in maxkamada u gudbin doonaan joojinta sharciga cusub ee la dagaalanka Argagaxisada oo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta saxiixay Jimcihii lasoo dhaafay.
Sharcigan cusub ayaa la sheegay inuu ku xad-gudbayo xaquuqda saxaafadda Madaxa-banaan iyo xoriyada shacabka.
Raila Odinga oo hormuud u ah mucaaridka Kenya ayaa sheegay in Maxkamada ay u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah Sharcigan cusub ee dhawaan la ansixiyey.
Wuxuu sheegay Odinga hadii taasi ay ku guuleysan waayaan inay markaas kadib ay gobalada bariga dalkaasi Kenya ka bilaabi donaan banaanbaxyo balaaran oo aan kala joogsi lahayn.
Sidoo kale dalalka Reer Galbeedka oo uu kamid yahay Maraykanka ayaa ka digay khatarta uu la imaan karo sharciga la dagaalanka argagaxisada ee dowlada Kenya hirgelineyso.
Sharcigan ayaa qodobada kamid ah ku jiraan in Saxaafadda hadii ay dooneyso inay wax ka qorto arrimo la xariira argagaxisada ama dhacdooyinka dhanka Amaanka ay marka hore ogolaansho weydiistaan Booliiska Kenya.
Aranbsiyonews.com
Nayrobi office








